Burco(ANN)Xulka Gobolka Hawd ayaa maanta 1-0 kaga badiyay xulka gobolka Sanaag ka dib markii ay dhex martay ciyaar aad u adkayd oo qaybtii hore laysku mari waayay, balse qaybtii danbe  waxa  gool aad u qurux badnaa xulka Gobolka Hawd u saxeexay Ciyaaryahanka Khaalid

 

Axmed Gaboose (Siiga) , oo a numeberka 13-aad u sitay xulkaa  Hawd.
Goolkaa oo dhashay qeybtii dambe ee oo bedel ku soo galay ciyaarta daqiiqado ka hor xiligii uu dhaliyay goolkaasi, waxaanu goolkaasi si weyn uga farxiyay xulka gobolka Hawd oo sii kordhiyay weerarkoodii, halka xulka Gobolka Sanaagna ay weeraro aan kala go’o lahayn ku qaadeen  goolka xulka Hawd, waxaanay awooda saareen sidii ay gool u dhashan lahaayeen, hase yeeshee waxa gaashaanka u daruuray difaaca xulka Hawd.
Ciyaartan oo ahayd tii sadexaad ee la ciyaaro intii uu socday tartanka ciyaaraha goboladdu, ayaa noqonaysaa tii u horeysay ee la kala badiyay iyadoo labadii ciyaarood ee hore ay bar bar dhac ku dhammaadeen.
Khaalid Axmed Gaboose (Siiga) oo ahaa ciyaartoygii goolka guusha u dhaliyay xulka gobolka Hawd, oo ciyaartaasi ka dib ka hadlay dareenkiisa wuxuu yidhi “Horta dareenkayga iyo shucuurtaydu aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan rajaynayaa inaanu guusha qaadno.”
“Guusha Gobolka Hawd u soo hoyatay waa mid aanu dedaalkayaga ku keenay, badiskan aanu ka badinay xulka gobolka Sanaag wuxuu furfurayaa ciyaaraha gobolada, iyadoo ay goboladii hore u ciyaaray ay barbar dhac noqdeen,”ayuu yidhi Buraale oo ka mid ah Guddida qaban qaabada ciyaartoyga gobolka Hawd.
Waxaanu intaasi ku daray “Baqdintii laga qabay gobolka Hawd way dhammaatay waxaanan leeyahay goobtu waa gobolka Togdheer guushuna waa gobolka Hawd.”
Labadan kooxood ee ciyaartu dhexmartay waxay ku wada jiraan qeybta A (Group A),  waxa kale oo ku weheliya xulalka gobolada Maroodijeex iyo Togdheer oo iyagu ahaa labadii xul ee lagu furay ciyaaraha gobolada khamiistii todobaadkii hore, kuwaas oo  ciyaartoodii ku dhamaatay 1-1 gool.
Waxaana  maalinta bari lagu wadaa inay wada ciyaaraan xulalka Saaxil iyo Gabiley oo kuwa jira group-ka B.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *