Berbera-(ANN)- Masuulliyiintii shirkadda gacanta ku haysay Haamaha Shiidaalka Berbera, ayaa maanta laga sii daayay saldhiga dhexe ee magaalada Berbera oo ay ku xidhnaayeen muddo saddex cisho ah. Masuulliyiinta la sii daayay oo kala ahaa Maamulihii shirkadda TOTAL

Sacad Cilmi iyo xisaabiyihii shirkadaa  Cabdikariin Xuseen, kuwaas  oo lagu sii daayay ammar ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Silaanyo), kaas oo warqada sii daynta ay geeyeen Berbera Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Sammaale iyo Abiib Tima-cad oo ka mid La-taliyayaasha Madaxweynaha.

Isku-dayo hore oo la doonayay in lagu sii daayo masuulliyiintan ayaa fashilmay, ka dib markii habeen hore warqad sii dayn ah oo ay qortay maxkamadda gobolka Saaxil ku ammartay in laga sii daayo masuulliyiinta saldhiga ay ku jiraan oo lagu ilaaliyo xarunta haamaha dhexdooda. haseyeeshee Maamulihii shirkadda TOTAL Mustafe Cilmi ayaa ku gacan-saydhay dalabka maxkammadda ee sii dayntiisa, isagoo la sheegay inuu ku dooday, haddii aanu xor ahayn inuu ku jirayo saldhiga, taasoo soo dedejisay in Madaxweynuhu go’aanka sii dayntiisa qoro.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali (Saleebaan) ooo isaguna maanta ka hadlay sii daynta masuulliyiinta TOTAL waxa uu sheegay inay ka dhalatay wada-tashi Guddi Madaxweynuhu u saaray xaaladda Haamaha shiidaalka Berbera, islamarkaana waxa uu intaa raaciyay in masuuliyiinta haamuhu qirteen qaladkooda oo ay wareejin doonaan wixii xisaabaada ee xukuumaddu ka dalbatay iyo bixinta kharashkii shaqaalaha shirkadda.
Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in Saraakiishaa  la sii daayay ka dib markii ay ogolaadeen inay u hoggaansamayaan amarka xukuuamada,  isla markaana ay xilka maamulka haamaha ku wareejinayaan Guddi heeer qaran ah oo ka socota dawlada.
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in shirkada Total aanay muddo laba sanadood keenin wax shiidaal ah waxaanu tilmaamay inay marka horeba heshiis sharci darro ah ay kula jirtay xukuumadihii ka horeeyay dawlada Madwaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuuna dhaleecayn usoo jeediyay odayaal iyo xildhibaano ka hadlay xadhiga masuuliyiinta Total, oo ku tilmaamay mid loo arki karo aar goosi siyaasadeed, balse Mr Ramaax ayaa   sheegay  in Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan golaha sharci dejinta looga baahan yahay inuu difaaco sharciga.

Tan iyo wixii ka danbeeyay sabtidii toodbaadkii hore ee uu Madaxweynuhu soo saaray digreetada uu ku baabi’iyay heshiiskii xukuumaddii Marxuum Cigaal mudo 50 sannadood ah qalinka ugu duugtay shirkadda TOTAL inay maamusho haamaha shiidaalka Berbera, balse ay gebi ahaanba diideen inay anisixiyaan heshiiskaa golihii wakiilada, waxayna dad badani soo dhoweeyeen   tallaabada uu Madaxweynuhu ku soo afjaray heshiiskii 50 sanno kootada u siiyay shirkadda TOTAL inay maamusho haamaha shiidaalka Berbera, kaasoo ahaa heshiis qabyo ah oo ay hore u laaleen goligii hore ee wakiillada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *