Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ku dhawaaqay Magacyada Guddi ka kooban Lix  xubnood, kuwaas  loo   xil saaray inay qiimayn ku sameeyaan  bilicda Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Sida lagu 

 
sheegay qoraal kasoo baxay maanta xafiiska Madaxweynaha Somaliland  Guddida waxa  guddoomiye u ah,  Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ee lagu magcaabay  xubnaha gudidaa oo  heer qaran ah ayaa lagu sheegay in ujeedadeedu  tahay Tayeynta Billicda Caasimada Dalka ee Hargeisa oo ah Muraayadi Dalka. sida lagu sheegay qoraalka.
 Xubnaha gudida ayaa ka kooban Lix (6) Xubnood, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin xubnaha golaha wasiiradda iyo xubinta lixaad oo ah  Maayerka Caasimada Hargeysa, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlaya xubnaha gudidaa yidhi, “Mudanayaal, Sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo. Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
 Magacyada Gudida:
1.      Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2.       Eng. Maxamed Xaashi Cilmi,  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3.      Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka   
4.      Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog),Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5.      Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta 
6.       Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir,  Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka.”                                                                                               
Magcaabista Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku magcaabay gudida qiimaynta Bilicda caasimada Hargeysa ayaa kusoo beeganatay todobaad ka dib markii uu dhamaaday isu soo bixii labaad ee la fuliyo Ololihii nadaafadeed oo xukuumadda cusubi ku dhawaaqday, kaas oo 45-kii maalmoodba hal mar laga sameeyo dalka oo dhan.

 

 


Iyadoo hawlgalada Ololaha nadaafadeed si weyn u iftiimiyeen qashinka iyo foolxumada hafiyay faras-magaalaha caasimada Hargeysa oo ay masuuliyiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ku ogaadeen markii ay dadweynaha kala qayb galeen Ololahaa, isla markaana ay soo baxeen fadeexado qashin oo buuxdhaafiyay goobo ka mid ah badhatamaha Magaalada caasimada ee faras-magaalaha, kadib markii ay golaha deegaanka hargeysa ku fashilmeen inay wax ka qabtaan foolxumada Bilicda Magaalada iyo goobaha xashiishku buuxdhaafiyay. Iyadoo ay dawlada hoose ee Hargeysi oo lau qiyaaso dakhligeeda 25-30 Milyan oo lacagata Somaliland dakhliga soo gala, waxay   ku sheegta inay xashiishka kaga guray Magaalada caasimada, balse waxa  la rumaysan yahay in lacagtaa loo adeegsado siyaabo kale, iyadoo dadweynaha si gaara shirakado qashinka guraa uga qaadaan lacag kale oo malaayiin ah, balse dhowaan lagu war helay inay boqolaal qof oo ka mid ah dadka u shaqeeya shirkadaa xashiishku aanay mudo lix bilood ah qaadan wax mushahar ah, taas oo iftiimisay fadeexado iyo musuqmaasuq hadheeyay maamulka golaha deegaanka ee dawlada hoose Hargeysa  iyo shirakadaha qashinka.

Si kastaba ha ahaatee waxay dad badan oo ka mid ah bulashadu is weydiinayaan talaabada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu magcaabay gudidaa tayada iyo bilicda caasimada waxa ay ka bedeli doonaan fadeexadaha maamulka dawlada hoose   iyo foolxumada qashinka faras-magaalaha caasimada oo cara tuur noqday meelaha qaar.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *