Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka Xuquuqul Aadamaha  ee Xeer No:39, kaas  oo ay hore u ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanku, balse  uu dib u soo celiyay Madaxweynaha Somaliland

 Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Golaha Wakiilada ka dalbaday inay wax ka bedelaan qodobada uu ka koobanyahay  qaar ka mid ah .
Fadhigii maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada C/Casiis Maxamed Samaale, waxay mudanayaashu ka hor intii aanay codka u qaadin xeerka oo dhan loo xaadiriyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay, kuwaas oo ay qodob qodob u ansixiyeen, iyadoo  markaa ka dib gudoomiye xigeenka golaha Sh. C/casiis Maxamed Samaale oo fadhiga gudoominayay u sheegay mudanayaasha in cod loo qaado xeerka oo dhan, iyadoo   ay  sidaa ku   ogolaadeen  wax ka bedelka xeerka Xuquuqul Insaanka 22 Mudane, halka ay  diideen  7 Mudane, isla markaana  ay ka aamuseen  15 Xildhibaan oo aanu ku jirin  Guddoomiyaha oo aan codayn,  sidaana  uu  ku ansaxay xeerka xuquuqda Aadamaha No, 39.
 
Gudoomiye xigeenka golaha Sh. C/Casiis Maxamed Samaalle, ayaa  mudaneyaasha u ku wargeliyay inay maalinta barri ee Axadda yeelanayaan 
doonaan fadhi albaabadu u xidhan yihiin, kaas oo sida uu sheegay  uu ka qeyb geli doono Wasiirka Wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
 
Dhinaca kale, Gudoomiye ku Xigeenka koowaad  ee Golaha Wakiilada Sh.  C/Casiis Maxamed Samaale ayaa markii uu dhamaaday fadhigii golaha wuxuu shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa xarunta golaha kaga waramay waxqabadkii golaha wakiilada  ee muddadii shanta sanadood ee la doortay ay qabteen.

wuxuuna sharaxaad  ka bixiyay xeerarkii ay ansixiyeen iyo go’aanadii ay soo saareen, isagoo  difaacay waxqabadkii golaha oo uu carabka ku dhuftay inay wax badan qaban lahaayeen,  balse ay xukuumaddii hore carqalad ku noqotay xil gudashadii Golaha Wakiilada ee waqtigaa.

Mudane C/casiis waxa uu difaacay muddo kordhinta dhawaan loo kordhiyay xilka golahooda waxaanu sheegay in loo maray waddadii sharciga ahayd. isagoo si balaadhan uga hadlay mushkiladihii uu golaha wakiiladu kala kulmay xukuumadii Madaxweyne Rayaale ee laga adkaaday doorashadii madaxtooyada somaliland ee qabsoontay 26, Jun 2010.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *