Hargeysa(ANN)Gudiga Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa sheegay inaanay doorashooyinka golayaasha deegaanku qabsoomayn sanadkan 2012, hadii ay baarlamaanku marlabaad soo celiyaan xeerka doorashooyinka ee XEER NO/20, kaas oo ay hore usoo celiyeen
Goleyaasha sharci dejintu.
Sidaana waxay ku sheegeen shir jaraa id oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen xarunta komishanka doorshooyinka.
Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Ciise Yuusuf Xamari, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Saddexda qodob ee ugu waaweyni waxay ahaayeen arrimo qabyo sharci, dhaqaalaha oo qabyo naga ahaa iyo qaybta seddexaad ee doorashada ku xidhan oo ah farsamada iyo hawlgalka doorashada, shaqaalaynta ha noqoto ama agabka doorashada, labada ugu way nee na hortaagani waxay ahayeen dhaqaalaha iyo sharciyada qaybtii dhaqaalaha ee aanu ka codsanay xukuumada iyo deeq bixiyeyaasha labadaba xukuumadu intii kaga jirtay kharshka sanadkan 2012 way noo shubtay, deeq bixiyaashiina balan qaadkii waanu ka haynaa ay balan qaadeen wixii kusoo kordhay kharashkii doorasha” ayuu yidhi Xamarii.
Hase yeeshee wuxuu sheegay inay jiraan mushkilado ka dhashay xeerkaa, isagoo yidhi, “ Markii laga soo guudhay liistadii xidhnay oo ay markii hore balan qaadeen inta uu kharash keedu noqonayo markii danbe loo guuray tiradii namber-ka in qofka lagu doorto aanu ku qiimaynay ayey iyaguna nala qaateen wixii kharash kasoo kordhay oo ay yidhaahdeen waxaanu soo shubaynaa maka uu sharciyaad kiinu idiin dhamays tirmo.
sidaad ka war qabtaan madaxwaynuhu wuxuu ku soo celiyey Golaha Guurtida iyo wakiilada labadaba xeer no:20 qodobkii sumada aanu ku soo codsanay in lagu isticmaalo lambar, halka ay sumad ka tahay qodobkaasuu madax waynuhu dibnoogu soo celiyey.
waxaanu leenahay komishanka doorashooyinka qaranku isagaa loo igmaday qaabka farsamo ee ay ku suurto galayso doorashadu Gole kale looma igman sharciyadbaa nagaga xidhan sharciyadii qaabkii ay ku suurto galaysay qadarka nafteena iyo waxaynu kari karno iyo waxaynaan kari karayn in maanta loo sharaxo golayaasha oo ay iyaga laftoodo fahmaan weeyaan”ayuu yidhi Gudoomyiha gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland.
sidoo kale waxa halkaa hadalo kooban kasoo jeediyey Raabi Cabdi Maxamed oo ka mid ah xubnaha komishanka, wuxuuna sheegay in hadii ay golaha baarlamaanku mar kale soo ciliyaan xeerkan aanay doorashada golayaasha deegaanku sanadkan 2012, ka qabsoomayn Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi.
“Waxaan idiin sheegayaa halkaa ay maanta taagan tahay hawshaa iyada ah waxay joogtaa maanta xeerka madaxwaynuhu dib ayuu ugu celiyey goleyaasha sharci dajinta, waxaan filayaa inay ka dhiidhiyaan oo ay ka doodayaan barito(maanta) hadii markaa ay dhacdo inay goleyaasha sharci dajintu ay soo ciliyaan ama ay diidaan, waxaanu anagu komishan ahaan idiinku cadaynaynaa inaanay suurto galayn sanadkan in doorasho la qabto”
Mr. Raabi, wuxuu ku dooday in aanay komishan ahaan dhinaca dhaqaallaha mar kale deeqbixiyayaasha ka codsan karin, isagoo yidhi, “dhinaca dhaqaallaha dhawrjeer ayaanu ku noqonay qolyaha inaga caawiya xagga doorashooyinka mar danbena laguma noqon karayo, waayo tiraba laba jeer baa lagu noqday oo ay dhaqaalaha wax iska badaleen sababaha aynu inagu keenay awgood markaa haddii ay gole yaasha xeer dajintu soo celiyaan xeerkaa maanta horyaala ee uu madax waynu ku celiyey doorasho qabsoomaysaa majirto sanadkan”. Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xeerkaa kusoo celiyay golayaasha sharci dejinta, taas oo keentay in laysugu yeedho fadhi deg deg ah, si ay xeerkaa wax uga bedelaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com