Hargeysa(ANN) Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa qabtay Doorasho cod bixin tijaabo ah oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qeyb galeen 200 oo qof oo laga soo xulay qeybaha kala duwan

 

ee bulshadda.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi  Geele oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Komishanka doorashooyinka ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada ay tijaabadan  tijaabada ah ee cod bixinta u qaadeen, wuxuuna  qoraal saxaafada loogu talagalay oo uu madasha ka akhiriyay ku yidhi,
“Ka dib markii sharciga laga soo saaray in si toos ah loo doorto musharixiinta Goleyaasha Deegaanka (open List), waxa badatay tiradda dadka la dooranayo oo magacyadooda lagu soo dari doono warqadda codbixinta. Gudidda doorashooyinka qaranku iyagoo arrimahaas ka baaraan-degaya waxay goosteen in maalin goob tijaabo ah la sameeyo doorasho.
Laba Boqol oo qof ayaa tijaabadda doorashadda geli doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad waayeel ah, dhalinyaro, dad wax akhriyi kara iyo dad aan waxba akhriyi Karin iskuguna dhafan Rag iyo Dumarba. Gudidda doorashooyinka qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshadda Somaliland noocyadeeda kala duwan.
Sababaha Gudidda doorashooyinka qaranku ugu baahdeen maalinta doorashadda tijaabadda ahina waa in si mug leh looga baaraan-dego baaxadda hawl-gal ee codayntu yeelan doonto xiliga doorashadda deegaanka ee fooda inagu soo haysa, ahana markii u horeysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanadda Golaha deegaanka, oo tiradda murashaxiintu aad u badan tahay.
Sidoo kale oo Gudidda doorashooyinka qaranku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabadda ah wacyi-gelin caam ah oo bulshadda rayidka ah, ururadda iyo xisbiyadda siyaasaduna la socdaan, kana qeyb qaataan hanaanka cusub ee doorashaddu u dhacayso.” Ayuu yidhi.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland  Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa kale oo uu madashaa ka  sheegay inay bedeleen nidaamkii hore ee ahaa in murashax kasta uu lahaa astaan u gaar ah oo ay siiyeen murashax kasta lambar u gaar ah.
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in dadkii ay soo codbixiyeyaashii ay soo marti qaadeen ay jireen qaar saxay codbixintii tijaabadda ahayd, halka qaar kalena ay khaldeen,  Waxaanu tilmaamay in doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa ka hor dadweynaha la siin doono waxyi gelin badan oo ku wajahan qaabka ay u codaynayaan iyo inay xasuustaan lambarka murashixiinta ay doonayaan inay codkooda siiyaan.
Cod bixinta Tijaabada ah ee lagu qabtay saaka waxa  goob joog ka ahaa wakiilo ka socday xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ee ka qeyb galaya tartanka doorashadda goleyaasha deegaanka Somaliland oo la filayo inay komishanku dhowaan cayimaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *