Hargeysa(ANN) Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay xukuumaddu ku wareejisay kharashkii dhinaceeda ee doorashooyinka la filayo inay dalka dhacaan, balse aan ilaa hada la mudayn. Sida uu shaaca

ka qaaday Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Gudidda Doorashooyinka, waxa  uu xusay inay lacagtii xukuumadda laga sugayay ee lagu qabanayay doorashada Golayaasha deegaanka lagu shubay bog xisaabeedka ay Komishanku ku leeyihiin Baanka dhexe ee Somaliland. lacagtaas ay  xukuumadu  bixisay  oo ay ku wareejisay waxa uu ku sheegay inay ahayd 25%-ka loogu tallo-galay in dawladdu kaga qeyb qaadato kharashaadka lagu qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee aan wali la cayimin xiliga ay qabsoomayaan.
“Waxaan maanta jecelahay inaan ummadda u cadayno in xukuumadda Somaliland ay bixisay oo ay bog xisaabeedka (Account)-ka komishanku ku leeyahay baanka dhexe ay ku shubtay oo aanu gacanta ku hayno. Lacagtan oo ah 25% xukuumadda lagu qeybiyay inay kaga qeyb qaadato dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Goleyaasha deegaanka dalka,”ayuu yidhi Maxamed Axmed.
Sidoo kale waxa uu  sheegay inay ka filayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland kharashkii ay kaga qeyb qaadan jireen hirgelinta doorashooyinka Somaliland oo dhan 75%,  isagoo yidhi, “Waanu ka sugaynaa qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalihii ay inagu taageeri jireen. Waxaanu ka haysanay balan qaad ah inay doorashadanna ina taageerayaan oo aanay inagaga baxaynin,”

Mr. Maxamed Axmed waxa uu sheegay inay xubnaha Komishanku ay u kala bixi doonaan goboladda dalka si ay u soo furtaan xafiisyadoodii gobolada wadanka dhowaan, laakiin isagoo ka hadlaya  xiliga ay cayimayaan doorashadda deegaanka waxa uu yidhi,  “Markaanu dhaqaalahaasi ka helo qaadhaan-bixiyeyaasha ayaanu cayimi doonaa xiliga ay doorashaddu qabsoomayso.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *