Hargeysa(ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa saaka soo saartay go’aanka dacwad mudo soo jiitamaysay oo u dhaxaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo ka mid ah madaxdhaqameedyada

ugu caansan bulshada Soomaalida.
Subaxnimadii hore ayaa wadooyinka soo gala maxkamadda gobolka Hargeysa  lasoo dhoobay ciidamada sida gaarka ah u tababaran, waxaana goobta maxkamadda yimi dadweynaha danaynayay dacwadaa, oo ay ka mid yihiin Ehelada Boqor Cismaan, salaadiin iyo madaxdhaqameed iyo sidoo kale suxufiyiin ka socday warbaahinta.
Garsooraha dacwada qaadayay oo markaa ka dib u waramay Idaacada BBC-da, ayaa yidhi,”Waxanu ku  xukumay 268, xeerka habka ciqaabta,  farqadiisa koowaad iyo labaad oo ah ceebayn iyo dhaleecayn, ama taleefoon ha  ahaato, ama  wax la baahiyay ha ahaatee, , wuxuuna ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo qodobka uu xukunka u cuskaday iyo sidoo kale cidda uu dhaleeceeyay Boqor Buur-madaw,  isagoo   kusoo koobay markii  la weydiiyay eeda maxkamaddu u cuskatay  “wixii jaraa’idka ku yaalay, ayuu qodobku sheegayaa “
Garsooraha ayaa qiray in labada qodob ee hore Xeer Ilaalintu ugu doodaysay uu meesha ka saaray oo laalay, isla markaana ay haayeen kuwo aan meesha qaban, isagoo yidhi, “ Labadii qodob ayaa lagu soo eedeeyay 215  iyo 212 oo sheegaya qofka muwaadinka ah isagoo dalka debediisa jooga sameeyay  kicin iyo dacaayado. Labadaa qodob waanu laalnay loona qaadimaayo, loomana qaadin wixii uu debeda kaga hadlay,  wuuna iibsan karaa xadhiga   ayuu yidhi, Cismaan Ibraahin Daahir Garsooraha xukunka riday,

Barkhad Jaamac Aare oo ah Qareenka u doodayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud, ayaa sheegay in  Labadii qodob ee lagu soo eedeeyay ee ay ka difaaceen, isla markaana  lagu  waayay  eedahaa ay sheegayaan labadaa qodob oo  ay  ka jebiyeen,  kuwaas oo kala ahaa 215 oo sheegaya kicin iyo dacaayado  uu dalka gudihiisa ka sameeyay  iyo 212 oo sheegaya inuu dalka gudihiisa ka sameeyay wax. Laakiin wax Maxkamadda la keenay oo uu Boqor Cismaan Dalka gudihiisa ka sameeyay ma jiraan, sidoo kale qodobka 215 ee ku lamaan kaas ma joogin Boqor Cismaan Dalka. sidaa awgeed labadaa qodob waa lagu waayay, waxaana lagu xukumay Qodobka 268 XQG, kaas oo aanu iska difaacin, markaa Boqorku ma gelin wax denbi ah, waana lagu waayay waxba qodobkana waxa keentay maxkamadda oo kuma jirin eedaymihii Xeer Ilaalinta , kumana  qanacsani Xukunkaa, waxaa aan ka yeelaynona, waxaan kala  tashanayaa Boqorka aan qareenka u ahay. Ayuu yidhi Qareen Barkhad.

Dhinaca kale Dacwad oogayaasha, ayaan jawaab ka bixin markii xukunka lagu dhawaaqay ee la laalay qodobadii ay siteen, balse  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa markaa ka dib looga yeedhay dhinaca Madaxtooyada, iyadoo lagu amray inuu rafcaan ka qaato xukunkaa. kadib markii ay meesha ka baxday eedaymo uu ku sheegay todobaadkii  hore Idaacada BBC-da mar wax  laga weydiiyay xadhiga Boqor Buur-madaw, wuxuuna isagoo sharaxaya qodobada lagu eedeeyay yidhi, ““Waxa lagu dacwaynayaa dariiq sharciyaa loo xidhay, Qofobadda 215 iyo 212, waxay ka kala hadlayaan propogaandho been abuur ah ka fidiyay debedda  oo qarannimadda iyo jiritaanak ummadda wax loogu dhimayo iyo  inuu dalka gudihiisa ka fidiyay warar ummadda uu ku kicinayo oo uu doonayo in qaranka lagu burburinayo.”ayuu yidhi Xeer-Ilaaliyuhu. Laakiin qodobada uu soo qaatay xeer Ilaaliyuhu ayaa ahaa kuwo ay hore qareenada ugu dooday Boqor Buur-madaw u daadefeeyeen, isla markaana ay maxkamaddu laashay markii dacwadaa lagu wareejiyay garsooraha xukunka riday oo sheegay inuu labadaa qodob meesha ka saaray oo ay ahaayeen kuwo waxba kama jiraan ah.
Sidaa awgeed qodobka loo cuskaday xukunka ay Maxkamaddu maanta ku riday Boqor Cismaan Buur-madaw oo mudo dhawr bilood ah ugu xidhnaa xabsiga fakerkiisa siyaasadeed iyo rayigiisa,  ayaan ku jirin qodobada xeer ilaalinta dacwada oogaysay ku doodaysay, waxayna su’aalo badani ka dhasheen halka uu qodobka aan la sharixin eedaha loo cuskaday kasoo galay maxkamadda, maadaama aanu meelna kaga jirin qodobada dacwad oogayaashu ku andacoonayeen,  balse waxay  la rumaysan yahay in dhinaca Madaxtooyada laga soo yeedhiyay, taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay rajadii aan cagaha ku taagnayn ee laga filayay inay fuliso xukuumadda Madaxweyne balanqaadkii ahaa in aanay faragelin ku samaynayn garsoorka, isla markaana wax ka qabanayso cadaaladda iyo garsoorka oo god madaw ku jiray.
Si kastaba ha ahaatee Go’aanka ay yeedhisay  Maxkamaddu ayaa la rumaysanayay in laga soo xawilay dhinaca qasriga madaxtooyadda ee Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna go’aankaasi noqday mid u quusgoynaya cidkasta oo rajo iyo yididiilo ka qabtay madaxbanaanida garsoorka dalka iyo la helo cadaalad ka madaxbanaan madaxtooyada iyo masuuliyiinta sare ee xukuumadda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *