Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Guddida diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu usoo gudbiyeen Ururradii ka soo gudbay qiimaynta ay sameeyeen, sidaa awgeed ay dhowaan bilaabayaan qaabkii ay ku wada hawl-geli lahaayeen
Koomishanka iyo Ururrada soo baxay.
Sidaana waxa warbaahinta u sheegay maanta ku sheegay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geele), oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta guud ee Komishanka, isagoo cadeeyay in Gudida diwaan-gelinta Ururadu usoo gudbiyeen lix Urur oo ka soo gudbay qiimayntii Ururada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlya yidhi, “Waxa Gudida diiwangelintu ay noo soo gudbiyeen Liiska Ururradii soo gudbay , taas oo ay anagana (Komishanka), wax badani nagaga xidhnaayeen”ayuu yidhi.
Af-hayeenka Komishanku wuxuu sheegay inay Gudi ahaan maalintii shalay la kulmeen, wuxuuna yidhi, “waxaanu la kulany Ururrada siyasada ee soo gudbay iyo Saddexdii Xisbi qaran ee hore, waxaanu ka wada hadlay qaabka aanu wax u wada bilaabayno. Anagu laba sandood waxaanu u xanibnayn hawsha Guddida diiwaangelintu wadayn, laakiin hada wixii oo dhan gacanta ayaanu ku haynaa. Ururradana waxaanu ku war gelinay inay is abaabulaan xaggooda, waxaana naga dhiman oo kaliya inaanu la soo tashano qolyihii aanu saaxiibada ahayn ee naga caawin jiray Doorashooyinka, kuwaas oo aanu ugu tegayno dhowaan Nairobi”ayuu yidhi.
Af-hayeenku ma sheegin xili ay qabanayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka oo muda dhaaf ah, balse waxa uu sheegay inay sugayaan kharashkii ay hawsha ku bilaabi lahaayeen oo ay qaybtiisa hore ka sugayaan Xukuumadda Somaliland, qaybta kalena ay bixinayaan Qadhaan-bixiyeyaashu. Sidaa awgeed aanay xiliggan sheegi karin waqtiga la qabanayo doorashooyinkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com