Burco(ANN) Xidhiidhiyaha Qarrammadda Midoobay ee arrimaha bani’aadanimo ee Somaliland/Somalia Mr. Mark Bowden ayaa maanta  booqasho kedis ah ku tegey  magaalada Burco, iyadoo madaarka Burco ay si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka iyo ururadda samo-falka maxaliga ah ee

 

gobolka Togdheer.
Mark Bowden waxa uu krmeer indho indhayn ah ku soo maray qaar ka mid ah xafiisyada ururada bulshada ee mashaariicda ka qaata Hay’addaha qarrammadda midoobay, isla markaana ay halkaa ka fuliyeen  Barnaamij lagu Dhaqan-celinayo dhalinyarada darbijiifka ah,  kaas oo ay  fulinayaan afar urur oo ka tirsan ururada ka hawlgala gobolka Togdheer.
Mar Bowden waxa uu ujeedada socdaalkiisa kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco,  waxaanu  isagoo ka hadlaya safarkiisa yidhi “Socdaalkaygu Burco ee xiligani waa mid salka ku haya inaan soo ogaano xaqiiqada iyo sida uu u hirgalay mashruuca dhaqan celinta loogu samaynayo dhalinyarada darbijiifka ah ee u nugul khataraha taas  oo ay iska kaashanayaan haya’ddaha qaramada midoobay iyo xukuumadda Somaliland, waxaana aad ugu faraxsanahay in barnaamijkani uu yahay mid guulaystay oo ay ka faaidysteen dhalinyaro badani.”
Mark Bowden mar wax laga weydiyay abaaraha Hordhaca ah ee xiligani soo aasibay qaar ka tirsan Gobolada Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa uu yidh “Waan ogsoonahay abaaraha xiligani ka jira qaybo ka mid ah Somaliland iyo weliba Soomaliya, balse waxaa jira qorshe aan u u diyaarinay in arrintaasi aan wax kaga qabano taasi oo dhinaca Somaliland aan iska kaashanayno hayada la dagaalanka masiibooyinka Dabiiciga ah ee NERAD waxaanan halkani ka xusi karaa inay jiri doonan mashaariic kale oo dheeraada kuwaasi oo hayadaha qaramada midoobay ay ka fulindoonan Somaliland gaar dhinacyada Bani aadanimada iyo amaankaba”
“Sanad ka hor ayay ahayd magaalada Burco markaan imi waqtigaasi oo aan u nimi kormeer aan ku soo samaynay goobaha dadka barakacayaasha ahi ay degan yihiin maanta waxaan dareemi karnaa horumar la taabankaro sida hirgalinta dhismayaasha jidadka ah ee xiligani laga hirgaliyay magaalada Burco taasi oo ah wax lagu farxo si weyna aan u soo dhaweynayno,”ayuu yidhi xidhiidhiyaha deeqaha aadaminimo u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *