Hargeysa(ANN)Guddida diiwaangelinta ururadda siyaasadda Somaliland ayaa maanta kusoo bandhigay Hutelka Empirial ee magaalada Hargeysa qodobo xaasaasi ah  iyo shuruudaha horyaala Ururada ka qaybgelaya tartanka  doorashooyinka  Golaha deegaanka iyo ururada siyaasada ee la filayo inay

dalka ka dhacaan
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka Somaliland Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo ay madasha  lagaga dhawaaqayay goob Joog ka ahaa Dhamaanba urur siyaasadeedka dalka iyo Masuuliyiin uu hor kacayay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku.
Qoraalkaa saxaafada loo qaybiyay, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaa  oo lagu cadeeyay  in ururadda looga baahan yahay in ay goboladda  ku yeeshaan dad tiradoodu gaadhayso  Kun qof oo sita kaadhadhka codbixinta.
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay ka guddi ahaan soo jeedinayaan inay isku  biiraan ururadda siyaasadu si ay cudodoodu wax tar u yeelato.   Sidoo kale warsaxaafadeedkaa waxa ay ugu soo jeediyeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee siyaasadu inay ka feejignaadaan wax kasta oo khalkhal iyo nabadgalyo darro dalkan ku keeni kara.


Warsaxaafadeedkaa oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan;- 1-       Waxa laga rabaa urur kastaa in ay lixda gobol ugu diiwaan gashan tahay ugu yaraan 1000 oo haysta kaadhka codbixinta. Hadaba waxa lagu xaqiijinayaa  kunka qof.
A)      Waa in laga diiwaan geliyo kunka qof iyo kaadhadhkooda xarumaha goboladda, gudidana lagu soo wareejiyo.
B)      Waa in xafiiska guud ee goboladda ee ururad lagu diyaariyo ugu yaraan kun qof oo madax ka koow loo tirinayo gobol walba maalinta guddida u cayinto.

C)      Gobolka Sool  oo duruufo gaari ka jiraan guddidu iyadoo ka duulaysa Qodobka 26-aad Iyo xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda, waxa laga rabaa ururadda inay ka diyaariyaan magaalo madaxda gobolka Sool liiska kun qof ugu yaraan iyo inay magaaladda caynaba ku diyaariyaan xafiiskooda 20% tiradii kunka ahayd ee laga rabay.
D)      Gudidu waxa ay bilaabaysaa hawsha kunka lagu xaqiijinayo 18/03/2012 sagaalka subaxnimo iyadoo uu hawlgalkaasi soo xidhmayo 30/3/2012, wuxuuna ka bilaabmayaa magaaladda Boorama.
2-       Waxaa kaloo laga rabaa ururadda iyo xisbiyadda inay qabsadaan shirweynahoodii.
Waxay shirweynaha ku samaysanayaan
A)      Waa inay ku samaystaan golahoodii dhexe, guddida fulinta, hogaanka ururka iyo qaab dhismeedka ururka.
B)      Xeerka ururka iyo barnaamijka siyaasiga ah
C)      Shirweyanaha waxa guddidu loo soo gudbinayaa nuqul maqal iyo muuqaal ah oo ay ku dhan yihiin waxyaabihii  ugu waaweynaa ee shir weynaha lagu qabtay.
D)      Shirweynaha waa inay goob joog ka ahaadaan ugu yaraan xubin guddida diiwaangelinta ka mid ahi.
E)      Mudada qabashadda shirweynuhu waxa ay ka ka soo bilaabmaysay 15/01/2012, waxa ay ku eeg tahay ugu dambayn 15/04/2012.
3-       Gudidu waxa ay ku dhawaaqaysaa natiijadda kala reebida ururadda 20/4/2012 iyada inta ka gudubtaa ka qayb gali doonaan  doorashadda dawladdaha hoose.
4-       Waxaanu ururadda u soo jeedinaynaa inay isku biiraan si ay tayadoodu sare ugu kacdo.
5-       Waxaanu ururadda iyo xisbiyadda u soo jeedinaynaa kuna adkaynaynaa in ay ilaaliyaan xeerarka dalka, nabadgalyadda iyo dhaqanka wanaagsan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale qodobka shuruudahaa ku jira ee sheegay in Urur walbaa lixda gobol mid walba ka  haysto 1000, muwaadin oo haysta  kaadhadhka codbixinta oo diwaangashan, balse waxa hore golayaasha Baarlamaanku meesha uga saareen xeerkii  diiwaangelinta codboxoyayaasha, mana jiro qaab ilaa hada laysku raacay oo lagu bedelayo xeerka meesha laga saaray ee diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *