Hargeysa (ANN)Madaxweyne  xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray wejigii koowaad ee 12 Ceel Biyood oo qayb ah  balaadhinta Biyaha Caasimada Hargeysa, isla markaana laga hir geliyay deegaanka Xunbo weyne ee Degmada Laasgeel oo

dhinaca Woqooyi Bari kaga beegan Caasimada Somaliland.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay mashruuca xadhigga lagaga  jaray  ceelashaa, waxa  ka qayb galay Wasiirka Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland, Dr. Xuseen Cabdi Ducaale,  Gudoomiye xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Duqa Hargaysa, Maareeyaha Wakaalada Biyaha,Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada,madax ka socotay Shirkada dhistay Ceelashan oo lagu magacaabo Alfa Arabian Golf,  isla markaana ay maal gelisay hay’adda Khaliifa Binu Saa’id al Nahayaan ee dawlada imaaraadka carabta.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay munaasibadaa  ayaa u mahad celiyay Amiirrada dawlada Iimaaraadka Carabta oo uu tilmaamay inuu Somaliland ka taageereen hirgelinta mashaariicdaa oo door wax ku ool ah ka qaadan doona sidii Caasimada Somaliland ee Hargaysa ay u heli lahayd Biyo ku filan oo nadiif ah.
Madaxweyne Ku xigeenku waxaa kale oo uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku nool deegaanka Xunbo weyne oo la’aantood aanay waxba ka fuleen mashaariicdani. Waxaanu intaa ku daray in Xukuumadu aanay ilaawi doonin kaalintii ay ka qaateen taabo gelinta Ceelashan.
Mudane C/raxmaan (Saylici) waxa uu ka dalbaday madaxda Imaaraadka Carabtu sidii ay u dedejin lahaayeen keenitaanka dhuumihii biyaha ka qaadayay Ceelashan ee gaadhsiinayay Caasimada.
Waxa kale oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ka codsaday Amiirada ka taliya Imaaraadka Carabtu inay ummada Somaliland oo ah dad islaam ah ay ka gacan siiyaan wax ka qabashada dhinaca wadooyinka iyo baahiyaha kale ee dalka ka jira.
Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in Ceelashani ay soo saari doonaan Lix kun oo Mitir Kuyuubik,  isla markaana ay wax badan ka furan doonto baahidii dhinaca Biyaha ah ee ka jirtay caasimada dalka ee Hargaysa oo ah magaalo ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland.
Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu waxa uu xusay in talaabada lagu hirgeliyay ceelashani ay ku timid dadaal xoogan oo Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gashay sidii caasimadu iyo guud ahaan dalku u heli lahaayeen biyo ku filan waxaanu intaas ku daray inay maalintii shalay qalinka ku duugeen heshiis ay ku baxayso lacag dhan Sideed iyo Labaatan Milyan oo dollar,  taas oo ujeedada laga leeyahay uu ku tilmaamay sidii biyo gelin loogu samayn lahaa Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Madaxa hay’ada Hirgelisay dhismaha ceelashan ee Alfa Arabian Golf Al Falaax Al Axbaabi ayaa dhiniciisa u mahad celiyay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland oo u fududeeyay mudadii ay hawlgalka Ceelashan ku jireen waxaanu intaas ku daray inuu wixii fariin ah gaadhsiin doono madaxda dawlada Imaaraadka Carabta.
Waxaa kale oo halkaa hadalo kala duwan oo mahadnaq iyo Guubaabo isugu jira ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex,Duqa Caasimada Hargaysa,Maareeyaha Wakaalada Biyaha, iyo Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood u mahadceliyay Shirkadii dhistay Ceelashan iyo Hay’adii Maalgelisay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *