Dubai(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland, isla markaana caan ka ah geyiga Soomaalida  ayaa Markii ugu horaysay shaaca ka qaaday Khilaafka iyo iska horkeenka Bulshada ee Madaxwaynaha Dawlada Ku meel gaadhka ah ee Somaliya ka

 

Dhex wado Gobolada Barri ee Somaliland.
Boqor Buur Madaw wuxuu  Eedayn Culus u jeediyay Sheekh Shariif oo uu ku Tilmaamay Masuul Somaliland ka dhex wada kala goo,go’ iyo Nabad galyo darro ka dhalata Somaliland oo muddo labaatan sanadood nabad galyo ahayd.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo u Waramayay Idaacada Shabeele ee Dalka Somaliya, isagoo ku sugan dalka Imaraadka Carabta  ayaa Carrabka ku dhuftay in Madaxwayne Shariif Buriyay Wada hadal dhex mara Somaliland iyo somaliya taasi oo uu eedayn dusha ka saaray ka dib markii Sh.Shariif ku kacay Waxyaabo ka hor imanaya Wadahadalka la filayo Beesha Caalamku u qabato Dawlada Somaliland iyo Somaliya
Boqor Cismaan Waxa uu ku Eedeeyay Madaxwayne Shariif inuu Gobollo ka mid ah Somaliland u Aqoonsaday inay ka mid yihiin Dalkiisa somaliya gaar ahaana Gobollada Sool iyo Sanaag, Boqorka ayaa Daaha ka rogay in arintaasi aanay Raali ka ahayn Dadwaynaha Somaliland Gabi ahaanba arintaasina dhaawacayso Nabad galyada labada Dal ee jaarka ah.
Buur Madadaw Waxa kale oo uu Sheegay in Shariifku hareer maray Fursado uu Somaliland kula hadli lahaa isaga oo sheegay inay arintani sii kala fogaynayso Ra’yiga Somaliland ka qabto wada hadal dhex mari kara labada Dawladood, waxaanu Wax laga Xumaado ku tilmaamay in Dawlada ku meel gaadhka ah ee somaliya Fara galiso Gudaha Dal kale oo ka madaxbanaan..
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) ayaa Shaaca ka qaaday inay Dhawaan Tagi doonaan isaga iyo Odayaal uu hogaaminayo Muqdisho isla markaa ay ugudbin doonaan Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha soomaaliyeed Xadgudubyada iyo Eedaha ay ka Tirsanayaan Madaxwaynaha ku Meel gaadhka ah ee Somaliland Sh.Shariif Sh.Axmed oo Intii ka danbaysay shirkii London bilaabay sidii uu uwiiqi lahaa Qadiyada Somaliland .
Madaxwayne Shariif oo Waji gabax ka muujiyay Qaabkii loo Maamusay Waftigii ka socday Jamhuuriyada Somaliland iyo Wufuudii kala Duwanayd ee Xidhiidhka dublamaasiyadeed la samaysay Madaxda Somaliland intii uu Socday Shirkii somalida ee London ayaa bilaabay talaabooyin uu doonayo inuu ku Ragaadiyo Somaliland isla markaana Caalamka Tuso in ay Somaliland ka mid tahay Dalkiisa, si wada hadalka la filayo inuu dhex maraa u noqdo sida uu rabo, ka dib markii beesha Caalamku shaacisay in labada Dal u wada hadlaan Sidii labada Dawladood oo jaar ah isla markaana wakhti midoobay markii danbena la kala noqday Madaxbanaanidooda.
Madaxwayne Shariif oo in badan ku taamayay inuu noqdo mid ka midho dhaliya dib u midaw danbe oo ka dhasha wixii la isku odhon jiray somaliya ayaa Gacmo madhan kala soo guryo noqday Shirkii London isla markaana Ogaaday in aanu hor istaagi Karin Ictiraafka Madaxbanaanida Somaliland oo beesha Caalamku dhiiri galinayso, waxaa kale oo Warar ku dhaw dhaw oo aanu ka helnay halkaasi sheegayaan in Shariifku Aad uga Cadhooday Qaabka Somaliland ula qaybsatay Mucaawinooyin badan oo ku dhici jiray jeebkiisa oo Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Siilaanyo Cidhiidhi ku galisay isla markaana Saamigeeda ka heshay. “

Source.Shabbele/Calami

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *