Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyay laba xeer oo golaha loo qaybiyay todobaadkii hore, balse midkood muran iyo sawaxan ka abuuray madasha ka hor intii aan la ansixin. Labada xeer ee golahu ansixiyaybalse mudanayaashu ku kala qaybsameen ayaa

kala ahaa Xeerka Budhcad-badeeda iyo Xeer kale oo tilmaamaya qaabka laysu weydaarsanayo maxaabiista.
Buuq iyo saxan ka dhashay madashii ansixinta labadaasi xeer ka dib markii Xildhibaanadda qaar soo jeediyeen in la kala reebo. Laakiin  Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ku dhawaaqay in cod la  geliyo labadaa xeer.
Fadhiga golaha  oo ay ku sugnaayeen 50 mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalka wakiiladdu ka kooban yahay, waxa ugu horayn cod loo qaaday xeerka la dagaalanka budhcad -baddeeda, kaas oo ay  ogolaadeen 46 mudane, 3 mudane ayaa  diiday mana jirin cid ka aamustay, wuxuuna xeerka Lr. 52/2012. Ee  dagaalanka budhcad- baddeeda oo ka kooban 14 qodob, ku ansaxay sidaa.
Hase yeeshee markii Gudoomiyihu ka dalbaday fadhiga mudanayaasha  in cod loo qaado xeerka kala wareejinta Maxaabiista oo la raaciyo xeerka Budhcad-badeeda. Laakiin waxa madasha ka bilaabmay buuq iyo sawaxan. Kadib markii ay  mudaneyaal baddan oo soo jeedinta Gudoomiyaha diidanaa qayliyeen, kuwaas oo nuxur ahaan ku dooday inaan goluhu cod gelin xeerka ilaa dood laga yeesho. Balse  Gudoomiyaha Golaha oo fadhigaa gudoominayay ayaa ganafka ku dhiftay soo jeedinta mudanayaasha qaarkood, wuxuuna  ku dhawaaqay  inuu duudduub  goluhu ugu qaado cod xeerkaa oo ay ansixiyaan iyo in laga doodo. Laakiin aqlabiyada ayaa u codaysay in duuduub lagu ansixiyo, waxaana cod loo qaaday kadib markii 32 mudane gacanta u taageen in sidaa lagu ansixiyo oo aan dood la gelin xeerkaa, halka ay diideen 5 mudane, isla markaana 12 mudane ka aamuseen in duuduub lagu ansixiyo xeerkaa.
Xeerkan tilmaamaya  isweydaarsiga maxaabiista oo ka kooban 24 qodob,  waxa markaa kadib golaha loo weydiiyay cod, iyadoo 32  mudane ogolaadeen in sidaa lagu sii daayo xeerka, halka 5 mudane diideen, iyadoo  13 mudane oo ka mid ahaa 51 mudane oo waqtigaa madasha fadhiyay aamuseen, balse aanu gudoomiyuhuna codayn.
Mudaneyaasha kasoo hor jeeday in xeerka lakala wareegista maxaabiista sidaa lagu ansixiyo, yaa shir-gudoonka ku canbaareeyay inaanu dood gelin xeerka isweydaarsiga maxaabiista, waxayna shir jaraa’id oo ay qabteen ansixinta xeerkaa ka dib si weyn u dhaliileen shir gudoonka golaha wakiilada.  Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Saleebaan Cawed Cali (Bukhaari) iyo Maxamed Saalax Cige, oo ahaa mudanayaasha xeerka is weydaarsiga maxaabiista diidanaa, ayaa markii lagaga awood roonaaday meel marinta xeerkaa, waxay   aad u weerareen qaabka loo ansixiyey xeerkaa, waxayna  golaha guurtida ka codsadeen inay  xeerkaa ka fiirsadaan oo aanu dhaafin, iyagoo ku dooday inuu yahay mid aan anfacayn qaranka oo khaladaad badani ku jiraan. Sidaa awgeed maadaama ay yihiin golihii odayaasha ay masuuliyad iska saaraan xeerkaa.

Dhinaca kale Xeerka Budhcad-badeeda golaha wakiilada Somaliland ansixiyeen,  ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmo yar ka dib iyadoo dalka Britain lagu qabanayo shir lagaga hadlayo arrimaha mushkilada Somalia, kaas oo waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagaga hadlayo, ama qodobada lagu soo qaadayo ay ugu horeeyaan masiibada budhcad-badeeda xeebaha Somalia ee saamaynta weyn ku yeeshay dhaqaallaha, ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha aduunka, iyadoo si gaara Somaliland loogu casuumay shirkaa, isla markaana waxyaabaha Somaliland lagu tixgelinayo  ay qayb ka yihiin la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo argagixisada, wuxuuna xeerka Budhcad-badeeda ee golaha wakiilada Somaliland ansixiyeen wax weyn ka tari karaa dooda shirka iyo garnaqsiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo markii u horaysay mujtamaca aduunku dhegaha u furi doonaan dooda Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay ee dhinaca dumuqraadiyada, nabadgelyada, ganacsiga xorta ah, la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo aragagixisada, kuwaas oo ah waxyaabaha ugu mihiimsan ee shirkaa laga hadlayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *