somalikenivLondon (Arraweelo News/AFP) – Ciidammada Ammaanka ee ilaaliya qasriga boqortooyada UK ee loo yaqaan Buckingham Palace, ayaa shalay gacanta ku dhigay nin ku hubaysan toori, kaas

 

 

oo isku dayey inuu gudaha u galo xarunta Boqortooyada.
Ciidanka booliska, ayaa sheegay in nin 44 sanno jira oo toori sitay lagu qabtay albaab laga galo xarunta Boqortooyada UK, kadib markii baadhis lagu sameeyey lagu ogaaday inuu sito toori sharci-darro, isla markaana ammaanka halis gelin karta, iyadoo la sheegay in hadda baadhis lagu hayo arrintaas iyo ujeedada ka dambaysay.
Waxa boolisku sheegeen in xabsiga loo gudbiyey ninka toorida sitay ee isku dayey inuu galo qasriga boqortooyada UK, iyadoo ciidanka ammaanku caddeeyey in aanay boqoradu xilligaas ku jirin qasrigada.
Dhinaca kale, dhawr qof oo kala duwan ayey ciidammada ka hortaga Argagixisadu shalay ku qabqabteen magaalada London, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid ka hortag ah, iyadoo ciidanka ammaanku tilmaameen in ragga la qabqabtay looga shakisan yahay inay maleegayeen falal argagixiso.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *