Hargeysa(ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday Hooyo Muwaadinad ah oo lagu magcaabo Nuura Jaamac Xuseen. Kadib markii ay Maxkamadda Degmada iyo xafiiska xeer Ilaalinta  u gudbisay dacwad ay dhibane ka ahayd 28 July 2011. Sida ka muuqata qoraal

 

shebekada Araweelonews heshay oo ay ku sababaysay dacwadeeda, iyadoo ku lifaaqaday qoraalka wasaaradda waxbarashada Somalilan kaga codsatay mid ka mid ah dugsiyada ay maamusho Hay’adda Jamciyatul Kahyria ee laga leeyahay Imaraadka oo ku yaala Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Hase yeeshee Jaamac Cismaan Axmed oo sheegay inuu yahay Maamule xigeenka dugsigaa lagu socod siiyay qoraalka wasaaradda waxbarashada Somaliland ku jawaabay qoraal raf ah oo uu ku qoray warqada ka socotay Wasaaradda waxbarshada, taas oo uu ku sheegay in aanay aqbalayn inay gabadhaasi la shaqayso, taas oo ay haweenaydaa Nuura dacwad ka gudbisay iyadoo Hay’addaha sharciga ka codsatay in la weydiiyo sababta uu Ninkaasi ugu  diiday  shaqada, maadaamaa aanu ahayn sida ay ku dooday masuulka maamula Dugsigaa Hargeysa oo hoos yimaada Dugsiyada ay maamusho jamaciyadtul Khayria.
Kiiskaa oo dacwadiisu ka socotay maxkamadda gobolka ayaa maanta lasoo geba gebeeyay. Kadib markii  Garsoore Siciid Yuusuf Indha-Caad (Siciid Dhegoole) oo ka mid garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku dhawaaqay maanta xukunkaa  Nuura Jaamac Huseen uu ku xukumay 6 bilood oo xadhig ah. Kadib markii uu dhegaystay kiiskaa ay dhibanaha ka ahayd Haweenaydaasi.

Qoraalka wasaarada waxbarashada Somalilan


Nuura  badhtamihii July xabsiga loo taxaabay markii uu dacweeyay Maamule xigeeenka dugsigaa, balse lagu sii daayay damiin ayaa maanta loo dhaadhicay xabsiga, waxayna xukunkaa kadib lasoo xidhiidhay shebekada Araweelonews iyadoo ku jirta saldhiga Dhexe ee Hargeysa, “waxa laygu qaaday xukun sharci daro ah oo loo adeegsaday lacag baddan, xalay ayuu garsooraha kiiskaa gacanta ku hayay igu war geliyay inaan tanaasulo oo ka hadho dacwadaa iyo shaqadaba. Haddii kale uu xukun igu ridi doono. Sidii ayayna u dhacday.” Waana  nasiibdaro, waxaana hada lay dhaadhicinayaa xabsiga Gebilay ayay tidhi Gabadhaa oo galabta lasoo xidhiidhay Shebekada Araweelonews, iyadoo xiligaa sheegtay in lagu hayo saldhiga dhexe ee Hargeysa. 
Dhinaca kale Jaamac Cismaan Axmed oo ah   Maamule xigeenka dugsiga Hargeysa oo ka mid ah kuwa ay maamusho Jamciyatul Khayria oo laga leeyahay Imaraadka carabta ayaa ka hor intii aanu xukunku dhicin u sheegay weriye ka tirsan shebekada Araweelonews inay gabadhaasi hore ula shaqayn jirtay, balse ay isku dhaceen, isla markaana aanu qoraalka wasaarada sababta uu ugu qoray jawaabta warqada dusheeda ahayn inuu yasayo wasaarada iyo dalabkeeda, balse ay ujeedadu ahayd inuu ku qanciyo gabadhaa oo ka xodsatay inuu ku cadeeyo halkaa sababta uu shaqada ugu diiday. isla markaana ay fariimo handadaad ah oo ay ku sheegtay inay yihiin argagixiso usoo marisay mobile sida uu ku dooday maamule xigeeenku.

Qoraalka jawaabta ah ee loogu jawaabay Wasaarada waxbarashada ee lagu qoray warqada wasaaradda dhabarkeeda  oo gacanta ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *