Hargeysa(Araweelo News Network)Guddida Caddaaladda Somaliland, ayaa caddeeyey inay Madaxweyne Siilaanyo u gudbin doonaan dacwad dhan ka ah wasiir xukuumaddiisa ka tirsan oo lagu eedeeyey inuu farogelin ku sameeyey shaqada garsoorka, iyagoo sidoo kalena raalligelin ka bixiyey eedaymo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex hore ugu jeediyeen xukuumadda Somaliland.

Xubnaha Guddida Caddaaladda oo shir-jaraa’id ku qabtay maanta xarunta Maxkamadda Sare ee magaalada magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in garsoorka Somaliland haysto madaxbannaani buuxda, isla markaana aanay jirin wax farogelin ah oo xukuumaddu ku hayso garsoorka, iyadoo xaqiijiyey in masuuliyiinta maxkamaduhu u soo gudbiyeen dacwad la xidhiidha wasiir lagu eedeeyey inuu farogelin ku sameeyey hawlaha caddaaladda, waxaanay sheegeen inay u gudbin dacwad liddi ku ah wasiirkaas oo aanay magaciisa sheegin u gudbin doonaan Madaxweynaha oo hore ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi doono masuulka xukuumaddiisa ah ee lagu helo inuu farogelin ku sameeyey madaxbannaanida garsoorka.

 

“Waxa uu Madaxwayne Siilaanyo aniga iga ballanqaaday inuu wax ka qabanayo masuuliyiinta qaranka ee sifaha sharci-darrada ah u farageliya garsoorka, Madaxwaynahuna waa kii warbaahinta arrinkaas ka ballanqaaday, waanan ugu mahad naqayaa.  Madaxwayne, aniga oo ku hadlaya magaca Guddida Caddaaladda iyo kii garsoorkaba, garsoorka Somaliland wuu haystaa madaxbannaani 100% ah, mana jirto cid farogelin ku haysaa, masuulkaas (Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha) hadda cabashadiisu na soo gaadhay mooyaane, sidii Madaxwaynaha Somaliland sheegayna annaguna waxaannu u gudbin doonaa Madaxwaynaha…

Wargeysyada amma warbaahinta qaar baa baahiyey oo yidhi garsoorka, mar haddii hay’adda ugu sarraysa garsoorka ee Guddida Caddaaladda aan cabasho laga hayn oo aan laga hayn in faragelin garsoorka lagu sameeyo in eraygaas warbaahintu qorto, iyagoo tixraacaya tabashooyin laba masuul hadleen in la wada gaadhsiiyo hay’addii garsoorka oo dhan ma ay habboonayn, waxaanan leeyahay garsoorku madaxbannaani 100% ah wuu haystaa, ka (wasiirka) imminka laga cabanayo ee hadda ay cabashadiisa noo soo gudbiyeen masuuliyiintaasi mooyaane oo aannu u gudbin doonno Madaxweynaha, wax garsoorku noo soo gudbiyeen ma jiro, iyagoo markii ay hadlayeen ku habboonayd inay soo gudbiyaan. Ma jirto cid garsoorka faragelisa, garsoorkuna isma farageliyo, garsooruhuna xor buu u yahay inuu kiiska horyaal xukumo. Waxaan leeyahay anigoo garsoorka magacooda u hadlaya oo mar labaad ka raalligelinaya Madaxweynaha qaranka; Madaxweyne, ugamay jeedin [garsoorayaashu] inay xukuumadda ku ceebeeyaan amma arrin siyaasi ah muu ahayn, waxaanan aaminsanahay inaanay eraygaas xukuumaddaa na faragelisay ula jeedin, qofkaa [Wasiir-ku-xigeenka Amniga] khaldamayna waannu kuu soo gudbinaynaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Mr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay Guddida Caddaaladdu waxba kala socon eedaymihii guddoomiyeyaasha maxkamaddaha Gobolka Maroodi-jeex u jeediyeen xukuumadda, waxaannu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo cabbashooyin ka yimi qaar ka mid ah garsoorayaasha Gobolka Maroodi-jeex oo kaga hadlayeen arrin ay ka cabanayeen amma tabashooyin qabeen. Waxa aan idinla socodsiinayaa inay halkani tahay xafiiskii Guddiga Caddaaladda, xubnahan fadhiyaana yihiin Guddida Caddaaladda Qaranka oo aannu kulannay, markaa waxaan wax ka odhanayaa arrintaa warbaahinta ku soo baxday. Madaxwaynaha qaranka iyo ummaddaba waxaannu ku wargalinaynnaa amma u sheegaynaa in Guddida Caddaaladdu aanay waxba kala socon arrinta ay ku hadleen ee faragelinta la xidhiidha ee garsoorayaasha amma guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex qaarkood. Arrintaas Guddida Caddaaladdu hore waxba kalamay socon.

Sidii madaxwaynaha qaranka oo aan u mahadnaqayo uga hadlay arrintaas ee sida dhegaha iyo laabta furan ah ee ummadda iyo garsoorka ku wargeliyey inuu diyaar u yahay inuu wax ka qabto cid kasta oo ka mid ah masuuliyiinta qaranka oo garsoorka hawshiisa si aan sharci ahayn u dhex gasha Madaxweynuhu diyaar buu u yahay inuu garsoorka wax u qabto.”

Dr. Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddidda Caddaaladda Qaranka waxa kaloo uu ku dooday in aan garsoorayaashaas eedooda ku salaysnayn arrimo siyaasadeed, isla markaana aanay xukuumadda ula jeedin ee eraygu ka khaldamay, “Waxaan leeyahay waannu kaa raalligelinaynaa, anigoo ogsoon oo ku qanacsan in aan garsoorku aragti sii fog oo gaar ah amma mid siyaasiya aanay ka lahayn faragelinta ay ka hadleen.

 

 

Dhinaca maaliyadda ee garsoorayaashaasi ka cabanayeen waxay xaq u lahaayeen inay Wasaaradda Caddaaladda mariyaan oo miisaaniyad buu garsoorku leeyahay oo marka Maxkamadda Sare laga reebo Wasaaradda Caddaaladda ayaa inta kale gacanta ku haysa; hadday yar tahay iyo hadday badan tahayba, waxaanan aaminsanahay in wasaaradda iyo xukuumadduba dedaal ugu jiraan sidii wax loo kordhin lahaa.”

“Garsoorka Somaliland waxa uu haystaa madaxbannaani ka wanaagsan kii dawladdii hore ee uu Madaxwaynaha ka haa Daahir Rayaale Kaahin, waxaanan odhan karaa raggaas ku hadlay afka garsoorayaashu waxay ku kaceen gef, waxaanan bahda garsoorka u sheegayaa in Guddida Caddaaladdu masuul ka tahay tabashada garsoorka, isla markaana waajib ahayd in ay cabashadooda u soo gudbiyaan.” Sidaana waxa yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka, kana mid ah Guddida Caddaaladda Mr. Xasan Axmed Aadan oo halkaas ka hadlay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo isaguna xubin ka ah Guddida Caddaaladda, ayaa sheegay in wasiirka garsoorayaashu ka cawdeen ay marin doonaan sharciga, isagoo garsoorayaashana u ugu baaqay inay marka hore Guddida Caddaaladda u gudbiyeen wixii cabashooyin amma dhibaato ah ee ay kala kulmaan masuuliyiinta xukuumadda.

Sidoo kale, Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Abiib Axmed Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa madax-dhaqameedka uga digay inay farageliyaan kiisaska garsoorka soo gala ee maxkamaduhu gacanta ku hayaan, isagoo ballanqaaday inay wasaarad ahaan wax badan ka qaban doonaan baahiyaha garsoorka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *