images/stories/ceergaabo3.png 

Ceergaabo(ANN)-Musharaxa Xisbiga talada haya ee UDub Daahir Rayaale Kaahin oo maalmihii u danbeeyay socdaal uu taageero ugu raadinayay sidii uu xukunka ugu soo noqon lahaa marka la gaadho 26 Juun ee fooda inagu soo haysa

 

 

 

 

Musharaxa xisbiga UDUB Daahir Rayaale ka hor intii aanu maanta kusoo laaban Hargeysa wuxuu soo maray magaalooyinka Boorame, Gebilay, Aarabsiyo, Balugubadle, Salaxley iyo deegaamo ka tirsan dhulkaa, wuxuuna mudadii uu Boorame joogay  ay isaga iyo marwadiisa Huda Barkhad ka wada hadleen fagaare ay isugu soo baxeen taageerayaasha UDUB, taas oo noqotay waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee ay shacbiga Somaliland la yaabeen intii uu socday ololaha kaanbaynka iyo isu soobaxyada xisbiyadu kula hadlayeen taageerayaashooda, taas  oo keentay inuu musharaxa UDUB kala garanwaayo maalmaha oo ay iskaga qasmeen. Isla markaana waxay arrimahaasu noqdeen kuwo muujiyay guuldarada sida weyn u waajahday musharixiinta xisbiga UDUB.

 ayaa maanta kasoo laabtay ololaha uu maalmahan ka waday deegaamada galbeedka Somaliland.

Hase yeeshee wuxuu musharaxa UDUB habeenimadii Jimcaha soo gaadhay magaalada gebilay, halkaas oo uu kula kulamay taageerayaal aan cudud buuran lahayn oo mudadii uu Boorame ku sugnaa lagu ururinayay halkaa, wuxuuna habeenimadii Jimcaha kulamo la yeeshay Koox Odayaal ah oo ka tirsan deegaanka, kuwaas oo sida ay wararku shegayaan uu balanqaado horleh u qadimay, halka ay qaar ka mid ah Odayaashuna weydiiyeen halka ay ku danbeeyeen balanqaadyadii sideed sannadood ka hor. Mar uu la hadlayay dadka  reer gebilay waxa uu yidhi, “Reer Gabilay ballan baannu lahayn, waxaannu ku ballansanayn inay ciddii Gobol siisa ay codkooda siinayaan, Anigu ballanta dhinacaygii waan ka soo baxay oo gobolkii waan idinsiiyey ee idinkuna soo codkii iima haysaan.”

Musharaxa UDUB Daahir Rayaale, waxa uu weeraray Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo Kulmiye , oo uu sheegay inay weel madhan sitaan, halka UDUB-na weel wax ku jiraan sidato, isla markaana ay qaybo badan oo dhinaca horumarka ah wax ka qaban doonaan, haddii mar labaad la doorto. “Nimankaa saaxiibaday ee Xisbiyadu waxay yidhaahdaan waxba lama qaban, Xukuumadda ayaa wax qabatay  ee iyagu waxba ma qaban. waxay sitaan weel madhan oo ay wax ku doonayaan, aniguna  waxaan  wax ku doonaynaa weel wax ku jiraan. Sidaa daraadeed, waxaan  idinka  codsanaynaa inaad codkiinna I siisaan, si aannu wax badan oo dambe u qabano,”.weedhahaa oo ah kuwo uu maalmihii u danbeeyay ku celcelinayay Mr. Rayaale ayaa hada si waadax ah u iftiimiyay inuu ku faano hantida Ummada ee ay isaga iyo marwadiisa iyo saddexda wasiir sida ay doonaan u isticmaalaan.  

 

Sidoo kale Rayaale wuxuu weeraray musharaxa  jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isagoo  yidhi; “Waxaan  arkayay nin yidhi Diinta Islaamka ayaan wax ku xukumayaa, oo Cajalado Quraan ah Baabuurta galiyey sidii uu dadku yahay Dad gaalo ah. Diinta Islaamku awalba dastoorkeena way ku jirtay, ninka maanta leh dastoorka ayaan diinta ku darayaana waa nin riyoonaya.”

 

Mr.  Rayaale oo ay safarkiisa kaanbaynka ku weheliyeen koox ka mid ah xukuumadiisu ka hor intii aanay ololahooda u jihayn hawdka, waxay mareen Alaybaday,  Arabsiyo iyo meelo kale, halkaas oo odayaashii uu kula kulmay weydiiyeen waxa uu ka fuliyay balanqaadyadii hore iyo waxa uu waqtigan u sido tusaale ahaan mar uu marayay Deegaanka  wado makaahiil waxa la hadlay  Guddoomiyaha deegaanka Waddo-makaahiil Ismaaciil Aw Muuse, isagoo  yidhi; “Madaxweyne marka hore waanu ku soo dhawaynaynaa,

mar labaadka waxaanu ku faraxsannahay inaad tahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee waligii Waddo-Makaahiil soo fadhiista. Haddii aan kaaga waramo, Deegaanku weligii UDUB  ayuu ahaa, wuu kuu codeeyey, waxaad u ballan-qaadday inaad Biyo ka soo saarayso oo aad Riig noo keenayso, kaama hayno Riiggii, wakhtigiina wuu dhammaaday, dhinaca Caafimaadka, Saacad ka hor intaanad noo iman Gabadh baa halkan ku foolatay Hargeysa ayaa loola cararay xarun caafimaad oo aan meeshu lahayn awgeed. Wadooyinka Afar wado ayaa magaalada soo gali jiray, Afartiiba roobabkii dhawaa ayaa jaray, adiguna waxaad ku bushaaraysataa Madaxweyne inaan wado jirin ee wadada aad maraysaa tahay Taayir Beertayda dhexmara oo xuduudda Itoobiya ah,  ama xadkeenna ka sareeya.”

Weedhahaa ayaa Musharaxa  UDUB Mr. Rayaale iyo kooxdii la socotay ku noqday weji gabax iyo fadeexado iftiiminaya beentii iyo maaweeladii uu dadka masaakinta ah ku khadlay xiligii kaanbeynkii hore sideed sannadood ka hor oo aanay aqoon u lahayn, isla markaana ay rumaysteen. Laakiin iyadoo sidaa loola hadlayay Mr. Rayaale ayuu weli siku sii watay mashaariicdaa Beenta ah iyo balanqaadyada aanay waxba ka jirin ee degmooyinka magcaabistooda iyo Riiggaga uu qodayo ee uu dib u cusboonaysiinayo  balanqaadyadii hore.

Musharaxa UDUB iyo wefdigiisu waxay soo mareen deegaamada dhinaca hawdka iyo galbeeda, halkaas oo geba gebadii uu kusoo laabtay magaalada Hargeysa maanta duhurkii, iyadoo ay ka muuqato guuldaro uu lasoo guraya noqday. Kadib markii uu dadka deegaamadii uu booqday kala kulmay inay xusuusiyaan balanqaadyadii sideed sannadood ka hor oo aanu waxba ka baqan.

Dhinaca  kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Maxamed  Maxamuud Siilaanyo oo musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaa oo isaguna socdaalkiisa ololaha kaanbeynka ku jiheeyay dhinaca gobolada bariga Somaliland ayaa xalay gaadhay magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag oo uu kala kulamay soo dhawayn  balaadhan, isla markaana muj. Axmed Siilaanyo  ayaa saaka kala hadlay fagaaraha Beerta  Nuura ee Ceergaabo kumanaan qof oo ah taageerayaasha xisbiga.

 

 

Musharaxa Kulmiye ee Madaxweynaha Axmed Siilaanyo waxa markii uu fagaaraha Beerta xoriyada tegayay lagu gelbiyay fardaha caanka ku ah gobolka sanaag oo lagu sharaxay calanka labada midab leh ee xisbiga kulmiye, wuxuuna halkaa khudbado uu kaga waramayo Barnaamijka siyaasadeed ee xisbigiisa uga jeediyay  kumanaan qof oo ka mid ah dadka magaalada ceeraabo.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka xubno ka mid ah wefdiga socdaalka Ololaha ku weheliya Axmed Siilaanyo iyo gudoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee gobolka sanaag Cali Qasaaye oo ka mid ahaa masuuliyiintii UDUB ee heer gobol iyo Degmo ee todobaadkii hore markii uu kasoo laabtay gudoomiyaha UDUB Ceergaabo  dhamaantood ku dhawaaqay inay is casileen.

 

Gudoomiyihii  xisbiga UDUB ee gobolka  sanaag Cali Qasaaye    ayaa  fagaarahaa ka cadeeyay inay ku biireen xisbiga Kulmiye, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in maanta loo midoobo meesha dalku marayo oo la taageero xisbiga Kumiye.

 

 

Wefdiga uu hogaaminayo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa markii ay dhameeyeen qudbadihii ay halkaa uga jeediyeen dadka reer Ceergaabo lagu gelbiyay xayn fardo ah, kuwaas oo wefdiga u horkacay goobta ay deganaayeen, isla markaana waxay wefdiga Kulmiye  ee Axmed siilaanyo muadadii ay halkaa usii jeedeen sii mareen deegaamada Oodweyne , Burco, Caynaba , Gar adag, Ceelafaweyn iyo deegaamo kale.

Waxaana xusid mudan soo dhowayntii ay wefdigu kala kulmeen deegaanka Oodweyne oo Axmed   siilaanyo loo dhigay Roog Cas, isla markaana ay dadka deegaanku u muujiyeen taareeda ay la garab taagan yihiin.

Sidoo kale ka hor intii aanay ka tegein wefdiga Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Axmed  Maxamed Maxamuud siilaanyo iyo wefdigiisu Oodweyne waxay ka qayb galeen isu soo baxii ugu weynaa ee taageerayaasha kulmiye ee magaalada Burco oo ahaa mid lagu fasiray muuqaalkii dadka hirarka mawjadaha Badda , halkaas oo uu Axmed Siilaanyo  si faahfaahsan ugaga waramay barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo sida loogu baahyahay inay shacbigu codkooda ugu taageeraan Kulmiye si ay u guulaystaan, isagoo dadka xusuusiyay dhibaatooyinka maamul xumada, musuqmaasaqa iyo waxqabad la,aanta xukuumada maanta ee UDUB oo uu ku sifeeyay kuwo ku guuldaraystay horumarkii iyo hogaamintii Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *