Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland  ayaa cambaareysay, isla markaana ku tilmaantay weerar gaadmo ah oo ay  maanta ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore Kalshaale  kusoo qaadeen kooxda nabad diidka ahi, iyadoo Xukuumadda Somaliland ku tilmaanatay weerarkaa mid

nacasnimo ku ah gedi socodkii nabadda oo ay ka danbeeyeen kooxaha nabad-diidka eek u gabanaya dadka deegaanka Buuhoodle.
Sidoo kale Xukuumadda Somaliland ayaa sharaxaad  ka bixisay talaabooyinkii ay qaaday si loo gaadho xal nabadeed iyadoo baaqna u dirtay Waxgaradka Buuhoodle, kuwaas oo iyaguna dhinacooda canbaareeyay falkaa oo ay ku tilaameen mid meel ka dhac ah. Iyagoo sidoo kalena dhawaqa ay kaga hadleen arrintaa ku sheegay inay raali gelin ka bixinayaan, maadaama uu si weyn ugu yahay gef wada hadaladii nabadeed ee socday.
Xukuumadda  Somaliland ayaa jawaabta mawqifkeeda ku wajahan xaalada ee ay ka bixisay falkaa  ku sheegtay Warsaxaafadeed lix qodob ka koobnaa oo uu caawa soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Axmed Cabdi Xaabsade, war-saxaafadeedkaa oo lagu sharaxay mawqifka Xukuumadda Somaliland ayaa u qornaa  a sidan:-
“1.    Waxaa la socotaan go’aamada wax ku oolka ah ee uu madaxweynaha JSL ka qaatay shaqaaqada ka socota deegaanada buuhoodle.
A.     Madaxweynuhu waxa uu amray oo la fuliyey in baraagihii kalshaale la aaso waana la aasay.
B.    Madaxweynuhu isagoo tix galinaya dhibaatada abaarta iyo biyo la’aanta ka haysata shacbiga deegaanadaas waxa kale oo uu amray in uu ciidanka qaranka u banneeyo oo dib uga soo baxo dhulkii uu fadhiyey ee biyaha lahaa si ay dadku uga cabbaan.
C.    Madaxweynuhu wuxuu amray oo la fuliyey in maxaabiistii lagu qabtay dagaallada ee ay Dawladdu gacanta ku haysay shuruud la’aan la sii daayo, Maantana iyagoo nabada waxay joogaan Buuhoodle.
D.   Intaaba waxa ay xukuumadda Somaliland si cad u sheegaysay in ay ujeedadeedu tahay in ay dadku nabad kuwada noolaadaan isla markaana loo jeedsto dhinaca horumarka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhismaha bulshada oo laga fogaado dib u dhaca iyo colaadda
2.    Maanta oo ay qoyan yihiin tallaabooyinkaas ay xukuumadda Somaliland qaaday ee nabada u adeegaya nasiib darro waxaa lagaga jawaabay wax aan loo fadhiyin oo aanu dadku gayin oo nacasnimo ku ah cid kasta oo qayb ka ah.
3.    Weerarkaas waxa fuliyey kooxda nabad diidka ah ee ku gabata buuhoodle kuwaas oo la ogyahay in ay ka xun yihiin nabadda iyo deganaanshaha uu deegaankaasi ku soo noqonayo waana la ogyahay cida ay gacan saarka la leeyihin iyo ujeedadooda mana wadaan wax ay ugu danaynayaan dadka reer Buuhoodle iyo shacbiga deegaankaas.
4.    Somaliland way ku adag tahay Nabadda inta ay irbad daloolkeed ka arkaysana ka tagi mayso laakiin dadka wax garadka ah ee isimada ah ee aqoonayahannada ah ee shacbiga ah ee deegaanka buuhoodle waxa la gudboon in ay gartaan halka ay dantu ku jirto oo ah halka ka shaqaynaysa nabadda, halka ka shaqaynaysa inay biyo helaan, halka ka shaqaynaysa in ay dadka wada dhashay nabad ku wada noolaadaan.
Waxaa la gudboon in ay iska qabtaan kuwa dhex jooga, ee ku gabanaya, magacoodana sheeganaya ee weerarkan nacas nimada ah soo qaaday
5.    Ciidanka qaranka ee Somaliland-na waxaan ku amaanayaa sida gobanimada leh ee uu ugu dhabar adaygayo gardarrada joogtada ah ee ay tii galabta  ugu dambaysay ee kaga imanaysa kooxdaas nabad diidka ah.
6.    Ugu dambayn waxaanu la socodsiinayaan cid kasta oo danaynaysa Nabad gelyada mandaqaddan in ay kooxdan nabad diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisadu caddaysatay ujeedadooda rasmiga ah oo ah Nabad diidnimada ay la wadaagaan argagixisada kale ee mandaqadda, sidaa awgeedna dhan looga soo wada jeesto.” Ayuu yidhi Xaabsade.

Dhinaca kale Salaadiinta iyo Isimada deegaanka Buuhoodle ayaa raali gelin ka bixiyay koox nabad diid ah oo maanta  ciidanka qaranku baacsaday ka dib markii ay soo weerareen fadhiisin ciidanka qaranku ku leeyihiin deegaanka Kalshaalle ee duleedka  Buuhoodle.

Odayaasha dhaqanka  iyo Salaadiinta Buuhoodle  waxay mawqifka jawaabtooda  ku sheegeen ka dib markii ay shir deg deg ah galabta ku yeesheen magaalada Buuhoodle,  shirkaa oo sida ay sheegeen ujeedadiisu ahayd xaalada kusoo kordhay deegaanka e ewer werka abuurtay.
Afhayeen u hadlay kulanka odayaashaa oo magacyadooda laga xusay Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Suldaan Maxamed Saleebaan Galaydh oo  mid ah  salaadiinta ugu magaca weyn  deegaanka Buuhoodle ayaa Afhayeen u hadlay oo lagu magcaabo  Axmed Cawil Bacaluul  oo la hadlay idaacada BBc-da laanteeda Af-soomaaligu wuxuu sheegay inay  raali gelin ka bixinayaan weerarkaa oo uu ku sifeeyay inay ka danbeeyeen  wiilal si khalad ah u soo weeraray ciidanka qaranka.

wuxuuna  isagoo  arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Waxa aanu maanta isugu nimi shir deg deg ah. shirkayagu wuxuu ku saabsanaa khatalaaddii  ka dhacday maanta deegaanka Kalshaalle iyo nabaddii socotay caqabad ayuu ku yahay weerarkaasi. Muu ahayn mid ku tallo-gal ah wuxuu ahaa mid wiilal aan badnayn oo  waxay doonayeen inay soo eegayeen Bali, waxa lagu yidhi waa laga guuray oo cidi ma joogto mar qudha ayay is arkeen iyagoo dhex taagan ciidankii qaranka, sidaan ka war helayna labada dhinacba wax khasaare ahi ma soo gaadhin. Arrintaasi waanu ka xun nahay kana cudur daaranaynaa.”

“Waxaanu ka raali gelinaynaa darafyadii ay dhibtu soo kala gaadhay waxaanu leenahay arrintan weerarka waanu ka xun nahay. Waxaan ku baaqayaa in Gedi socodka nabadda la dhamaystiro,”ayuu yidhi Ganacsade Axmed Cawil Bacaluul oo caawa u waramayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *