Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo ka hadlayay kalfadhigii 14aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta si rasmi ah uga furmay dhismaha cusub ee xarunta Gollaha Wakiillada ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii gollaha
u dhexeeyay, isla markaana ay xaal ka bixinayaan shir guddoon ahaan mudanayaasha jooga iyo kuwa maqanba wixii dhacay mudadii khilaafku socday, kaas oo sida uu sheegay laga soo saaray go’aan lagu xaliyey khilaafkii labada dhinac ee aqalkaa oo bilaabmay kalfadhigii u danbeeyay oo si kahsab ah loo xidhay. Markii mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha.
Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa fadhigaa maanta oo mudanayaasha loo akhriyey go’aan uu sheegay in laga soo saaray, kaas oo sida uu sheegay Guddoomiyuhu ay ku xalliyeeen khilaafkii golaha.
Go’aankaa oo uu fadhigaa ka akhriyey Xoghayaha guud ee gollahaa Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;-
“Markaan dhegeystay dooda mudanyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeerhoosaadka Gollaha Wakiiladda
Markaan dhegeystay Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiiladda JSL
Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Gollaha
Markaan arkay in nuxurka khilaafka Gollaha uu yahay soo dhigida xeer hoosaadka gollaha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo
Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeerhoosaadka Golaha
Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee dastuurka
Markaan xogogaal u noqday in Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL qaateen aqoon korodhsiyo ( seminars) ku saabsan kaabista waxa ka bedelka xeerhoosaadka Golaha ( Standing Orders of the House) July 2009 , April 2010 iyo May 2010 kaas oo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baaralaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA si xeerhoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baaralamaanada kale.
Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Darft) xeer hoosaad oo laga sameeyey doodihii seminaaradii.
Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudanyaasha yahay kabiista iyo wax bedelka qodoboda xeerhoosaadka
Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo soojeedinta ( motion) ee mudanayaasha
Markaan tixgeliyey in mudnaanta kowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeerhoosaadka Golaha
Waxaan go,aamiyey
1. In aan raali geli iyo xaalka ka siiyo mudanyasha jooga iyo kuwa maqanba wixii gef ah ee ay ka tirsadeen xubnaha shirgudoonka mudadii khilaafku Gollaha ka jiray.
2. In Golaha la hor keeno drafta wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka Gollaha wakiiladda ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaandda dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo muddo dheer diyaarintiisa la waday si goluhu uga dooda . Draft-kani waad mid dhexdhexaad ah ( neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn shirgudoonka iyo mudanyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeer-hoosaadku siiyey soo jeedinta wax ka bedelka xeer-hoosaadka.
3. In Gudida Joogtada ah ee Golluhu kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka uu marayo drafta kaabista iyo wax bedelka xeer Hoosaadka Golaha ee kor ku xusani.
4. In mudanyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax ka bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeerhoosaadka marka ay bilaabanto dooda xeerka hoosaadku.
5. In mudanyaashu xaq u leeyihiin wax kasta uu ay u jideeyeen dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golluhu.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380