Hargeysa (Araweelo News Network) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in cashuuraha lagu kordhiyey dhoofka xoolaha ay sababtay in ganacsatada

 

Somaliland ee dhoofisa xooluhu u wareegeen dekeda Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland.

Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey shir uu kaga dhawaaqay xisbigiisu shalay xubnaha u meteli doonta shirka qaran ee asxaabta mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu wadaan, ayaa soo jeediyey in laga hawlgalo sidii dhoofka xoolaha dekedda Berbera loogu soo celin lahaa, maadaama waqtigan hoos u dhac ku yimi sida uu sheegay.

“Sannadkan xoolaheennii miyaad maqasheen dekedda Berbera intaasaa ka dhooftay? Waa la qarinaya, xoolihii way inaga leexdeen, waxana innaga leexiyey cashuurtii laga dooday ee la diiday in laga daayo oo xoolihii boosaasay qabteen.

Waa markii ugu horraysay ee xoola la dirayo ee ay innagu baryaan oo dadkii iibsaday meel geeyaan la’ yihiin, dhibaatadana waxa keentay cashuurtii la kordhiyey, maadaama ay xoolihii Boosaaso kugula baratamayso, Xamarna kugula baratamayso oo Jabuuti kula baratamayso waa inaad xoolihii soo dhawayso oo sidii Berbera ahaan jiartay soo nuugto xoolaha geeska oo dhan, laakiin haddii aad cirka geyso dadkii meelo kale ayey haystaan. Habeen kasta telefiishanka waxa ka soo baxda inta xoolo ee Boosaso ka dhooftay. Bal innaga waa kuwaase car ha sheegeen, ma sheegayaan,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiyaha UCID waxa kaloo uu dhaliilay safarrada masuuliyiinta dawladda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku yimaaddaan Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid aan ka turjumayn xidhiidh labada dal dhexmaray, balse ay saaxiibadood oo Hargaysa jooga booqdaan, waxaannu xukuumadda u soo jeediyey in ay ka shaqayso sidii looga hortagi lahaa dadka Somaliland u dhashay ee lagu dhibi Kililka 5aad.

“Waddamada saaxiibtinimadooda iyo siyaasaddoodu waxay ku dhisan tahay heer dawladeed. Kililka 5aad ee Itoobiya waxaynu nahay saaxiib, laba dawladoodna waynu kala nahay, markaa siyaasad aynu kuwada socona waa inay noqoto siyaasad ka dhaxaysa dawlad goboleedka Soomalida Itoobiya iyo Somaliland, mana aha in shaqsiyaad inoo yimaaddaan in la siiyo qiimo gaar ah. Aniguna qaar baan Xamar saaxiib kala ahay, mana aha in inta la casuumo, dadkeenana lagu dhibo soonaha shanaad. Meesha isma qaban karto, haddii aad aragto inta dadkeena ah ee haween leh, odayaal leh, dhallinyaro leh ee Jig-jiga ku xidhan ciiddaa ka badan, marka macnaheedu maaha in saddex nin oo saaxiib ah isu yimaaddaan in xidhiidhkii wax la kala saxeexday ee waa saxiibkay wuu ii yimi.”

Eng. Faysal Cali waxa uu intaa raaciyey; “Dawladda waxaannu leenahay Kililka 5aad innaga dadkooda ma dhibnee, waad aragteen oo baayac-mushtarigu wuu iska yimaadda, keenuna koontarabaan buu ku tega, dadkeennu koontarabaan buu ku galaa, dhexda lagu baadha, hablaheena waa lagu faraxumeeya, marka waa in dawladeena iyo kilidhka shanaad ay yeeshaan siyaasad cad oo la isugu gudbo oo la isku wada og yahay, qofkuna xor ku tago, meeshana laga daaya saaxiibtinimada labada qof ka dhaxaysa oo waa inay jirta saaxiibtinimo labada dal ka dhaxaysa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *