Hargeysa(Araweelo News Network)Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa soo saaray qoraal lagu faahfaahiyey qaabka loo qabanayo dood-qarameed ku saabsan

xaaladda dalka (National Dialogue on The State of The Nation), isla markaanna laba xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID fuddudaynayaan sidii ay u qabsoomi lahayd, iyadoo qoraalkaas lagu muujiyey waqtiga doodaasi dhici doonto, muddada ay socon doonta, tirada ergada ka qaybgalaya iyo kharashka ku baxayaba.
Qoraalkan Madasha Wada-tashigu diyaarisay waxa ku xusan ajandaha lagaga hadli doono dood-qarameedkaaas oo la qorsheeyey inay 10 December 2013 ka qabsoonto Hargeysa, taasoo socon doonta muddo saddex maalmood ah, lagun mariqaadayo ergo gaadhaysa ilaa 150 qof oo ka kala socda xukuumada, saddexda xisbi qaran, Madasha Wada-tashiga, saxaafadda, Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), aqoonyahanka, madax-dhaqameedka, culimada diinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka, iyadoo si gaar ah loo xusay in gobollada Awdal iyo Sool ergo khaas ah la siin doono.

Ergada ka qaybgalaysa dood-qarameedkaas oo 150 xubnood noqonaysa, waxa si siman min shan xubnood loo siiyey xukuumada, saddexda xisbi qaran, Guurtida, Wakiillada, madax-dhaqameedka, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, dumarka, dhallinyarada, xubnaha baarlamaanka ee xorta ah (The Free Parliamentarians), dadka laga tirada badan yahay, Gobolka Awdal, Gobolka Sool. Jaamacadaha Hargeysa, Cammuud iyo Gollis ayaa iyagana min saddex xubnood laga siiyey ergada doodaas ka qaybgelaysa, qurba-joogga waxa loogu tallogalay 15 xubnood, Madasha Wada-tashiga oo isku qoondaysay 10 xubnood, saxaafadda oo 15 xubnood laga martiqaadayo, halka 15 xubnood oo goob-joogayaal ahna loo qoondeeyey ururrada maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo 11 xubnood-na kayd ahaan loo dhigay si wixii hadhaw soo baxa loogu buuxiyo.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madasha Wada-tashiga, waxa dood-qarameedkaas lagaga hadli doonaa ajande ka kooban laba qodob oo kala ah; xaaladda dalka iyo khaladaadka aasaasiga ah ee la xidhiidha hannaanka maamul ee dawladda Somaliland, iyadoo labadaas qodobna ay ku hoos duugan yihiin arrimo xaasaasi ah in aan sinaba loo aqbalin doorashooyinka soo socda, gaar ahaan madaxtooyada inay dib uga dhacaan xilliga ay u muddaysan yihiin oo ah sannadka 2015 iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin;
•        In laga doodo, lana xuso dhibaatooyinka hadda taagan, caqabadaha jira iyo khataraha xilligan qaranka Somaliland waajayo’
•         Kobcinta iyo dib-u-habaynta dastuurka xilliga ee dalka Somaliland oo ay sheegeen in qabyo badan ka muuqato’
•        Shuruucda lagu dooranayo amma xulanayo xildhibaannada Guurtida iyo Wakiillada, waajibaadkoodana la kala qeexo’
•         In kuraas kooto ah dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay laga siiyo baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada);
•        Hannaan lagu wadaagi karo awoodaha dawladda, una siman yihiin dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland;
•         Sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka  hay’adaha garsoorka iyo dhammaanba hay’adaha madaxbannaan ee dastuuriga ah, loogana ilaalin lahaa farogelinta iyo awood-maroorsiga’
•        In istaaratijiyad qaran loo dijeyo siyaasadda Arrimaha Dibedda;
•        iyo in la helo istaraatijiyad qaran oo lagu maamulo khayraadka dalka.
Waxa kale oo qoraalka soo baxay oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay lagu soo bandhigay wejiyada qarsoon ee shirkaas oo ah kharashka ku baxaya muddada saddexda maalmood ah ee doodda qaran laga yeelan doono xaaladda dalka, kharashkaasoo oo dhan $29,900 doollar (sagaal iyo labataan kun iyo sagaal boqol), iyadoo la diyaarin doono guddi qaadhaan-ururin ah oo kharashkaas diyaariya muddada ka hadhsan maalinta loo qoondeeyey in dood-qarameedkaasi qabstoonto oo ah 10 December 2013.
Sidoo kale, wejiyada qarsoon ee shirkaas qaran ka mid ah sida  qoraalkaas ku cad in Madasha Wada-tashigu leedahay qabanqaabada iyo diyaarinta ajandeyaasha dood-cilmiyeedka lagu fallanqayn doono, halka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI shaqadoodu tahay inay fuddudeeyaan qabsoomidda iyo hawlaha dooddaas (facilitaitors), meelmariyaan-na farsamo ahaan qodobadda Madasha Wada-tashigu dabada ka riixaayaan, iyadoo siyaasiyiinta Madashu qoraalkooda ku sheegeen inay diyaarin doonaan guddi madaxbannaan oo lagu kalsoon yahay oo ka shaqaysa fulinta qodobadda ka soo baxa doodaha qaranka muddada shirku socon doonta.
Sida ku xusan qoraalka ka soo baxay Madasha Wada-tashiga, labada xisbi mucaarid ayaa si wada jir ah u magaaci doona guddi farsamo oo ka shaqeeya hawlaha dood-qarameedkaas, iyadoo UCID iyo WADDANNI durba diyaariyeen guddidaas; kuwaasoo kala ah;

Xubnaha WADDANI: Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, Dr. Maxamed Cismaan Fadal,  Xasan Xuseed Maxamed (Cod-yare), Xildhibaan Baar Siciid iyo  xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.
Xubnaha UCID:  Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, Cabdinaasir Yuusuf Qodax (Ina Cirro),      xildhibaan Maxamed Faarax Qabille,   Aadan Cali Yoonis iyo  Maxamed Mahdi Buubaa.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u sheegtay in aanay jirin cid awood u leh qabanqaabada shir qaran oo xaaladda dalka lagaga hadlo, balse waxa arrintaas hadda loo beddelay dood-qarammeed duruufaha waddanka lagu lafaguri doono, arrintaasoo aanay weli ka dhiiban mowqifkeeda rasmiga ah.
Xiggasho: Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *