Gabiley(ANN)Dadweynaha ku nool magaalada Gabiley iyo xarunta gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayntii ugu weynad tan iyo intii ka danbaysay doorashadii Madaxtooyadda ku qaabilay  Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti isugu jira

 

xildhibaanno iyo masuulliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo saaka ka baqoolay magaalada Hargeysa, ujeedada safarkiisuna salka ku haysaa dib-u-habayn uu ku sammaynayo xafiisyada iyo masuulliyiinta gobollada, diyaargarowga doorashooyinka deegaanka ee la filayo inay qabsoomaan horraanta sanadka fooda inugu soo haya ee 2012 iyo qiimaynta ballanqaadyadii xisbigiisu u galay dadweynaha xilligii doorashada madaxtooyadda sanad iyo badh ka hor.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo fagaaraha khayriyadda Gabiley kala hadlay boqollaal dadweyne ah, ayaa uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo u gudbiyay sallaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo u si kaftan ku dheehanyahay ugu duurxulay dadweynaha reer Gabiley doorkii ay ka qaateen codadkii ugu badnaa ee xisbigiisa u horseeday guushii ay talada dalka kula wareegeen, waxa uu xusay in munaasibadda soo dhawayntiisu ku soo beegantahay furitaankii tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo maanta ka furamaya magaalada Burco, sidaa daraadeedna maadaama  Gabiley nasiib u yeelatay in safarkiisu ku soo beegmo uu guusha koobka u rajaynayo inay qaadi doonaan kooxaha ku tartamaya magaca Gabiley. “Maanta waxa laga furayaa Burco ciyaarihii gobollada dalka hambalyo ayaynu u diraynaa, Ilaahyna waxaan ka baryayaa nabadgelyo inay ku dhammaadaan. Guusha yaynu siinaa? Waa Gabiley, waayo iyaguu fursadu ku soo beegmay inaan maanta gobolka ka hadlo, sidaa daraadeed waxaan guusha u rajaynayaa Gabiley.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in la gaadhay tartankii koobka siyaasadda qaranka ee xisbigiisu hore u sitay, sidaa daraadeedna uu Gabiley ka doonayo hiilkii ay u muujiyeen sannadkii hore oo kale, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa kale oo iyana maanta xafladan aynu joognaa ku soo beegmay koobkii is reeb-reebka siyaasadda qaranka, xisbiga KULMIYE oo ah hormoodka haysta koobkii siyaasadda qaranka, kana shiidaal-qaadanaya tobabarihiisa waayo araga ah ee kooxdii KULMIYE aas aas-aasay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud waxaannu diyara u nahay in wareega soo socda ee deegaanka iyo ta qarankaba ku guulaysano. Intaanu isku halaynayno Gabiley baa kow ka ah, koobkii hore iyagaa qaaday gacantana noo soo geliyay, tana iyagaannu ka sugaynaa.”


Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay in soo dhawaynta reer Gabiley ka turjumayso isku xidhnaanta xisbiga, “Soo dhawayntani waxay muujinaysaa midnimmada xisbiga KULMIYE waxay farriin u tahay dadweynaha KULMIYE taageera ee degan dhammaan gobollada Somaliland oo dad ku midoobay wallaaltinimmo iyo wax-wada-qabsi, mid ah oo dhulka iska qaada.”

Badhasaabka Gobolka Gabilay  Cali Aw-aadan Meecaad, oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay isagoo ka wakiilla dhammaan shacabka gobolka inay qalbi furan ku soo dhawaynayaan Masuulliyiinya xisbiga, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,  “Waa xisbigii aynhu soo dooranay, waannu tirsanaynaa, mab’da waa inay inaga noqotaa taageerada xisbiga  KULMIYE, madaxweynaha qarankuna ka noolaado, marwadiisa, madaxweyne-ku-xigeenka iyo marwadiisuna ka noolaadaan.”
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Maayarka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada oo ay ka mid yihiin Axmed Ibraahin Haybe iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo cuqaasha iyo madaxdhammeedka Gobolka Gabiley.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu khudbad u jeediyay boqollaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *