Burco(ANN)Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo galabta ka furmay garoonka kubadda cagta ee Alamzey ee magaalada Burco waxa lagu furay Gobolka difaacanaya horyaalnimada ciyaaraha gobolada ee Togdheer iyo Gobolka Maroodi-jeex. Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag oo labada

kooxoodba ay soo bandhigeen burhaantooda iyo heerka xirfadooda farsamo gaadhsiisan tahay ayaa waxay ahayd mid ciyaarta labada kooxood isku dheeli tiran tahay, hase yeeshee weeraro badan oo ay qaadeen xulka gobolka Maroodijeex ciyaaryahanka number-ka 11-aad u sitay gobolka Maroodi jeex oo la yidhaahdo Maxamed Cabdi Xasan (Koofindhe),  ayaa  u saxeexay goolkii koowaad ee xulka gobolka Maroodi-jeex daqiiqadihii dhawr iyo labaatanaad ee qeybtii hore ee ciyaartaa.
Qaybtii koowaad ee ciyaarta ayaa  ku soo gabo gabowday hal gool oo gobolka Maroodijeex ku hoggaaminayay. Laakiin markii garoonka laysugu soo noqday waxay Ciiyartoyga gobolka Togdheer la yimaadeen dar dar cusub, waxayna taasi suurta gelisay inay xulka Gobolka Togdheer la yimaadaan gool oo ay ciyaartu barbaro noqoto.
Goolka gobolka Togdheer waxa  u dhaliyay ciyaartoyga magaciisu yahay Farxaan Axmed Muxumed oo sitay lambarka 17-aad, kaas  oo gool qurux badan u saxeexay xulkiisa daqiiqadii 60-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta waxaana goolkaasi sababay xamaasad ba’an, ciyaartiina waxay noqotay mid aad u sii adkaatay. Laakiin labada dhinac midna umay suurta gelin weeraro ay qaadeen inay la yimaadaan goolal kale. Sidaana waxa ku dhamaatay Ciyaarta oo barbaro kusoo gebagebawday.
Taageereyaasha xulka Togdheer ayaa isla oogsaday markii goolkaa uu saxeexay Ciyaartoyga xulkoodu, taas oo ka duulisay wahabkii saarnaa goolkii u horeeyay ee lagaga nixiyay.
Ciyaaryahanka number-ka 11-aad u sitay gobolka Maroodi jeex Maxamed Cabdi Xasan (Koofindhe) ayaa ku guulaystay inuu dhaliyo goolkii u horeeyay ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland, isagoo mutaysan doona abaalmarin loo balanqaaday Ciyaartoyga dhaliya goolka u horeeya.
Boqolaal kun oo qof ayaa daawanayay Ciyaarta intii ay socotay, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen gobolada kale, waxayna tartanka Ciyaaraha ee hada ka bilaabmay xarunta gobolka Togdheer xiiso geliyeen dhalinyaro baddan oo balwada jaadku jiidatay, kuwaas oo danaynaya  inay ka qaybqaataan tartankaa, isla markaana qaar baddan oo ka mid ahi horeba ugu sii safreen magaalada Burco. Waxaana furitaanka munaasibada tartanka Ciyaaraha loo agaasimay si weyn, iyadoo ay ka qaybgaleen Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo xadhiga ka jaray iyo masuuliyiin kale oo halkaa u tegey si loo dhiiri geliyo tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *