Burco(ANN)Ciyaartii labaad ee tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee gobolada Somaliland ee dhex martay labada xul ee Sool iyo Awdal ayaa isla dhaafi waayay barbar dhac hal gool iyo hal gool oo ay kala dhaliyeen labadaa kooxood  qeybtii dambe ee ciyaarta. Ciyaarta oo ahayd mid
aad u adag waxa labada xulba ay muujiyeen ciyaar wanaag waxaana qeybtii hore ee ciyaarta weeraro badnaa xulka Gobolka Awdal, halka gobolka Sool-na uu qeybtii dambe ee ciyaarta aad uga cadcadaayeen xulka gobolka Awdal dhinaca weerarka kubada eek u wajahnaa goolka kooxda Awdal.
Hase yeeshee Goolka waxa ku hormaray xulka gobolka Sool waxaana goolkaasi oo u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad oo magaciisu yahay Axmed Cabdi Cismaan, laakiin  afartan ilbidhiqsi ka dib waxa gobolka Awdal la yimaadeen gool aad uga farxiyay oo qurux badnaa, kaas  oo uu u saxeexay ciyaar yahanka magaciisu yahay Naasir Maxamed Siciid oo kooxda  Awdal  uga ciyaarayay  lambarka 11-aad.
Labadan kooxood oo ku wada jira qeybta B waxay  ciyaartoodu ahayd ciyaar xamaasad leh waana maalintii labaad ee ciyaaraha goboladu ku dhamaadaan barbar dhac, iyadoo ciyaartii furitaanka tartankan ee shalayna ay isku garab dhaceen labada xul ee Maroodi-jeex iyo Togdheer oo iyaguna 1-1 ku kala baxay.
Waxa maalinta Sabtida ciyaari doona Xulalka Sanaag iyo Hawd oo ku wada jira qeybta koowaad (Group A).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *