Hargeysa(ANN)Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan denbiyada iyo daroogada ee UNDOC oo dib u habayn ku samaysay Xabsiga Hargeysa ayaa maanta ku wareejisay Xukuumadda Somaliland gebi ahaanba Dhismaha xabsiaga dhexe, kaas oo xafladii furitaanka hore loo qabtay 16 February

 

badhtamihii bishii hore, iyadoo uu xadhiga ka jaray Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, isla markaana ay munaasibadii furitaanka ka qaybgaleen  masuuliyiin ka  tirsan Xukuumadda Somaliland iyo saraakiil ka socotay Hay’adda UNDP  iyo Madaxda ciidanka Asluubta Somaliland.
Hase yeeshee Xaflada labaad ee maanta dib loogu furay xabsiga dhexe ee hargeysa ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid rasmi ahaan loogu furayay xabsiga oo loogu wareejiyay Xukuumadda Somaliland. Kadib markii ay Hay’adda UNDOC ku samaysay, waxaana xaflada   maanta oo ka dhacday Huteelka Ambasaddor ee Hargeysa kasoo qayb galay wafti uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee hay’adda Maandooriyaha iyo Dambiyadda u qaabilsan qaramada midooday (UNODC) oo lagu magacaabo Yury Fedotov, oo maanta dalka soo gaadhay.
Waftigaa waxa soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda Arrima gudaha, Agaasimaha guud ee cadaaladda Somaliland iyo taliyayaasha ciidanka asluubta, waxayna  ka hor xaflada lagula kala wareegay ay kormeer ku soo mareen dhgismaha Xabsiga iyagoo booqday Maxaabiista halkaas ku xidhan gaar ahaana kuwa Budhcad badeeda ah.
Sidoo kale waxa Xafladaasi iyo kormeerkaba ku wehelinayay masuuliyiinta Hay’adda Saraakiil ka socotay Jasiiradda Seycheles ee ku taal Badweynta India iyo wariyayaal Caalami ah oo ka soo qayb galay furitaanka Xabsiga, kuwaas oo muddo dhwr maalmood ah ku sugnaa Dalka,  isla markaana Barnaamijyo kala duwan ka diyaariyay meelo baddan oo Somaliland ah.

Agaasimaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Maandooriyayaasha iyo Danbiyada ayaa Madaxweyne Siilaanyo kula kulmay Qasrigiisa Madaxtooyada waxaanay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada Arrimaha Budh cad badeeda.
Munaasibada mar labaad xabsiga Hargeysa lagu furay ayaa kusoo beegantay iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in xabsiga loo qorsheeyay Budhcad badeeda, maadaama Somaliland ay danaynayaan dawlado badani inay door mihiim ah ka qaadato arrimaha la dagaalanka Budhacd badeeda, balse wasiirka Cadaaladda Somaliland Prof. Muumin Aare ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xabsiga loo dhisay budhcad badeeda, wuxuuna sheegay in xabsigani yahay xabsigii Somaliland oo dib loo habeeyay.

Dhinaca kale warar xogo ay shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay meelo kala duwan iyo dublamaasiyiin caalaami ah ayaa tibaaxaya inay qaybo baddan oo dawladaha  beesha  caalamku doonayaan in xabsi balaadhan oo kharashka ku baxaya lagu qiyaasay 30Mly oo dollar laga hirgeliyo somaliland kaas oo noqoya mid si khaas ah loogu xidho budhcad badeeda, balse ka hor dhismaha xabsigaa la helo wadan ka tirsan geeska Afrika oo ogolaada in lagu maxkamaddeeyo marka lasoo qabto budhcad badeeda. Ka hor inta aan xabsiga loo gudbin  iyadoo ay kharashka ku baxaya xabsigaa bixinayaan in ka baddan 300 Company-yo iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo ay  mushkiladaha budhcad badeedu saamayn weyn ku yeesheen.  Qorshahaa la doonayo in xabsi gaaah loogu dhiso budhcad badeeda iyo in la helo wadan lagu maxkamaddeeyo ayaa qaar ka mid ah dawladaha hormoodka u ah qorshahaasi usoo jeediyeen    Xukuumadda Somaliland  oo lagu casuumay shirar caalami ah oo arrimahaa lagaga hadlayay. Laakiin Xukuumadda Somaliland ayaa hore u diiday gebi ahaanba qorshahaa, balse hada waxa soo muuqata inay Hay’adda qarammada midoobay u qaabilsan denbiyada iyo daroogada oo mar labaad munaasibad u samaysay furitaanka xabsiga hargeysa ay wado qorshe ay doonayso inay ku dilaasho mashruuca malaayiinka dollar ee la doonayo in xabsi loogu dhiso budhcad badeeda haddii ay ogolaato Xukuumadda Somaliland, iyadoo Maamulka Budhacad badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe dhinacooda dedaal ugu jiraan in xabsiga laga hirgeliyo deegaankooda, balse ay ku gacan saydheen dalabkooda dawladaha beesha caalamka ee hormoodka u ah mashruuca xabsiga gaarka loogu dhisayo Budhcad badeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *