Boorame(ANN)Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay Dhalinyaro iyo Suxufiyiin lagu eedeeyey inay abaabulayeen, isla markaana taageerayaan fikrado  ay wataan dad Somaliland diid ah oo ku dhaqan Waqooyiga dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo jeeda

 

gobolka Awdal.
Dhalinyaradaa  ayaa la sheegay inay magaalada Boorama ay ku daadiyeen waraaqo ay ku xardhan yihiin waxay ugu yeedheen  “Awdal State” oo ka dhan ah qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland, taas oo wararku ay intaa ku dareen in kooxdan fikirkan wadataa oo qurba joog ahi ay ka soo horjeedaan gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay u olalaynayaan wax ay ugu yeedheen maamul goboleedka Awdal (Awdal State).
Ciidanka Bilayska ayaa arrimahaa u xidhay ilaa sideed qof oo kal duwan, kuwaas oo ay ku jiraan laba weriye  oo ka hawlagala halkaa, kuwaas oo  kala ah Jaabir Cali Cumar iyo Jirde Axmed oo ka mid ah weriyayaasha ka hawlgala magaalada Boorama iyo lix kale oo dhalinyaro ah oo ay  ciidanka Booliska ee magaalada Boorama ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dhinaca xarunta gobolka Awdal ee Boorame.
Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal Maxamed Cabdi ayaa  sheegay in saxafiyiintaas iyo dhalinyaradaasba loo haysto waraaqo ay ku qornaayeen arimo ku lidi ah Somaliland, isaga oo arimahaas ka hadlayna, waxa uu yidhi,  “Warka oo gaaban nimankaasi way xidhan yihiin, waana eedaysanayaal, haddii wax lagu waayana waa la iska soo dayn, hadii kale Maxkamad ayaa la horgayn doonaa, waana 8 dhalinyaro ah marka la isku geeyo”.
Labada Weriye ayaa ka kala hawlgala qaybaha kala duwan ee warbaahin ee magaalada Boorama, Wariye Jaabir ayaa isagu ka hawlgala Shabakada wararka Booramanews iyo Jirde oo ka hawlgala mid ka mid ah Wargaysyada.
Sidoo kale Wararka Qaar ayaa sheegaya in weriyayaashani ay sawiro ka qaadayeen dhalinyaro damacsanayd inay mudaharaad ku taageeraan koox qurba jooga reer Awdal ah oo maamul goboleed AWDAL STATE ah kaga dhawaaqay Waqooyiga Maraykanka.
Arimahan ayaa ku soo beegmay wakhti ay dadka reer Awdal dhaliilayaan maamulka gobolka Awdal ee ay xukuumada Somaliland u soo magacawday, taas oo ay dad badani saluugsan yihiin masuuliyiinta ugu saraysa ee gobolka.
Dhinaca kale Axmed Muumin Seed oo ka mid ah gudida fulinta ee xisbiga UCID ayaa cambaareeyay xadhiga weriyayaasha, isla markaana ku tilmaamay cabudhin ay xukuumaddu ku samaynayso warbaahinta, wuxuuna ku baaqay in degdeg loo sii daayo. Mr Seed ayaa   sidaa u  sheegay saxaafada isaga oo jooga Hargaysa.
Dhanka kalana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo mudooyinkii u danbeeyay  ka muuqday shebekadaha dhinaca internetka ee laga leeyahay deegaamada boohoodle  iyo  Awdal, kuwaas oo ishaarayay dhawaaqyo lagu abaabulayo maamul goboleedyo, kuwaas oo la rumaysan yahay inay ishaarayeen kooxo hawlahan abuubulayay oo gudaha iyo debeda isku xidhan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *