Hargeysa (Araweelo News Network) Guddi-hoosaadka Arrimaha Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida oo warbixin xaalada amniga ah ka hor jeedisay

Golaha, ayaa sheegtay in amnigu wax badan laga qabtay, balse xaaladda dhaqaale ee shacabka liidato oo ay u baahan tahay in wax laga qabto si amni darrada dhallinyaradu ku kacdo looga hortago.

Guddoomiyaha Guddi Arrimaha Nabadgelyada Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo warbixintaas golaha ka hor jeediyey, ayaa tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka ay xog-warraysi la yeesheen, una sheegeen in amniga wax badan ay ka qabteen, isagoo warbixintiisa ku soo jeediyey in la dardargeliyo hawlaha ammaanka iyo doorka Guurtidu ku leedahay wax ka qabashada amniga.

“Waxa jira arrimo badan oo xagga nabadgelyada wax inagaga keeni kara oo u badan xagga bariga, annagoo tirakoobkooda sheegaynin, arrimahaas qoraal baannu ka samaynay, shir-guddoonkana waannu u gudbinay, waxaanannu u yeelnay siday u kala horreeyaan ee muhiimada u leeyihiin, waayo qaar baa hadday inagu furmaan dalka dhibaato u keeni kara.

Si wax looga qabto oo Golaha Guurtidu shaqadiisii halkiisii intuu ka sii wado uu dib u cusboonaysiiyo oo wixii hawlana shir-guddoonka kala tashano, taasna waxaannu qabanay.
Haddii aannu nahay Guddida Arrimaha Nabadgelyada iyo Difaaca dhawr qodob baannu taageer u muujinayna oo kala ah;

1.     In shaqada nabadgelyada la kordhiyo
2.  In Golaha Guurtidu dhaqdhaqaaqiisii, isagoo Shir-guddoonkuna hawsha ku dhaqaaqayo oo cidii uu taageero amma gacan kala sugayo uu ku dhiiranayo inaynu hawsheenii sii dardargelino ee xagga nabadgelyada,” ayuu yidhi xildhibaan Obsiiye.

Xildhibaan Obsiiye waxa kale oo uu tilmaamay in xaaladda dhaqale ee shacabku aad u liidato, una baahan tahay in wax laga qabto, waxaannu yidhi; “Dalka markaynu maanta eegno dhaqaalaha dalka ma xuma miisaaniyadda oo dawladda waxaad mooda in ay dhaqaalihii xagga miisaaniyadda dabooshay, laakiin xaggii shacabka markaynu eegno waxaad mooda in cidhiidhi ka jiro, waxaanan odhan lahaa ha la furfuro ganacsiga, waayo waxaynu u baahanahay dhaqaale dalku ku soo kaco, cadawgeenana iskaga difaacno, waana in la furfura baayac-mushtariga oo halkaas waxba ka yara jiree waa in dadka da’ yarta ah u soo kacaan, dhaqaaluhuna kobco, siyaasadeenana aad u furfurno.”

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Nabdgelyada Guurtidu waxa soo jeediyey in la tayeeyo shirkadaha wax-soo-saarka Somaliland si dhallinyaradu shaqo uga hesho, lana abuuro shirkado badan oo dalku u baahan yahay sida ta sibidhka.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye waxa dhallinyarada u soo jeediyey in ay amniga ilaashadaan, kana shaqeeyaan sidii adkaynta nabadgelyad alooga hawlgeli lahaa, waxaannu yidhi; “Waxaannu dhallinyarada dalka ka wacdiyeyna oo ka waaninayna dalka idinka u yaryar, idinka u soo kacaya, idinkaana wax u baranaya, annagu nabadgelyadii iyo maamulkii iyo dalkoo salka loo dhigo intaba idinku sinay, idinkuna ha iska burburinina, inagan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *