breaking News arraweelo,comHargeysa(Araweelo News Network) Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo gudida fulinta ee xisbigaa ayaa kulan saacado badan qaatay oo jilbaha lays dhigay maanta gelinkii danbe ku yeeshay

 

Guriga Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici.

Kulankaa oo oo ujedadiisu ahayd diyaar garawga shirweynaha xisbiga iyo sidii loo naaqishi lahaa arrimaha diyaargarawga shirweynaha, isla markaana laysula eegi lahaa xubnaha gudida qabanqaabada shirweynaha  oo ka kooban 19 xubnood, kuwaas oo uu gudoomiyaha xisbiga Muj. Muuse Biixi soo xulay, isla markaana Madaxeyne Siilaanyo ku raacay. Kadib markii ay xalay hordhigeen hogaanka xisbigu madaxweynaha oo ah Odayga xisbiga.

Hase yeeshee kulankaa gudida fulinta ayaan wax war ah laga soo saarin waxa layskula qaatay, balse ila wareedyo u dhuun daloola kulankaa ayaa xaqiijiyay in lagaga hadlay dhawr qodob oo ay ugu mihiimsan yihiin gudida qabanqaabada ee gudoomiyihu magcabay, madaxweynuhuna ogolaaday iyo qaabka loo buuxninayo xubnaha gudida fulinta ee baneeyay boosaskooda.

Waxa kale wararka ku dhow dhow kulankasi u sheegeen shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com  in lagaga hadlay in todoba xubood lagu soo daro xubnaha gudida qaban-qaabada, kuwaas oo la doonayay in ay ka yimaadaan Ururadii ku hadhay doorashada golayaasha deegaanka eek u biiray xibsiga Kulmiye.

Hase yeeshee kulanka gudida fulinta iyo hogaanka xisbigu yeesheen, dood dheer ka dib waxa laysku waafqay in gudida qaban-qaabada sideeda loo daayo, isla markana aan waxba lagu kordhin, taas oo ahayd soo jeedin dhinaca gudoomiyaha Kulmiye Muuse soo dhigay miiska, isla markaana ku dooday in xubnaha lagu kordhiyo tiradaa ah gudida oo ay ka yimaadaan uraradii ku biiray Kulmiye. Laakiin soo jeedintaa waxa loo waayay taageero, waxaana laysla qaatay in tirada aan intaa laga kordhin gudada qaban-qaabada.

Sidoo kale waxa dood adag laga yeeshay cida awood u leh inay soo magcawdo xubnaha gudida fulinta ee boosaskoodu banaan yihiin, taas oo ah qodobka ugu danbayntii sababay in dib loogu balamo kulan danbe Salaasada, iyadoo mudada ka horaysa xeerarkii xisbiga loogu soo eegayo, isla markaana la waafajinayo xeerka xisbiga buuxinta xubnaha banan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *