Beledweyn qarax1Belledweyne (Araweelo News Network) Wiil yar oo 12 sanno jir ah, ayaa miino ku weeraray guriga guddoomiyaha magaalada Marka ee dalka Soomaaliya Mr.Maxamed Cismaan Yarisaw, iyadoo ay sare u kacday dhimashada ka dhalatay qaraxyadii maalintii Sabtida ka dhacay

 

magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxyo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta, ayaa habeenkii Axadda rag hubeysan ku weerareen qeybo ka mid ah degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeelaha hoose ee dalka Soomaaliya, iyadoo wiil aad u yar oo da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir uu miino ku tuuray guriga Guddoomiyaha Magaalada Marko Mr. Maxamed Cismaan Yarisaw, kaasoo la sheegay inuu goobta ka baxsaday markii uu falkaas fuliyey.

“Wax khasaare ah ma gaysan bamkaasi, waxaanna uu ku qarxay meel ku dhow gurigeyga, waxaanna soo tuuray oo loo soo dhiibay wiil 12 jir ah oo cararay, waanan ku raad joognaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa cidii ka dambaysay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha magaalada Marka ee miinada guriigiisa lagu weeraray.

Dhinaca kale, labo qarax ayaa isla habeenkii Axadda laga maqlay fadhiisimo ciidammada dowladdu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ka dib markii kooxo hubeysan ay la beegsadeen bambooyin, kuwaasoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay, mana jiro war qaraxyadaas ku saabsan oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ilaa 14 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa shalay laga  dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhawacoodu halis ahaa, iyadoo 3 qof oo qaraxaas ku dhaawacmayna ku geeriyoodeen cusbitaalka Beledweyne, halka dhaawacyada kale ee halista ah oo diyaarado lagu qaaday la dhigay cusbitaal ciidammada AMISOM maamulaan oo ku yaal xarunta Xalane ee u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadii Al-shabaab fulisay ee maalintii Sabtida ka dhacay Baladweyne oo  30 ruux gaadhayey ayaa qaar ka mid ahi u geeriyooday dhawacyada soo gaadhay, taasoo sare u qaaday tirada dadkii weerarkaas ku dhintay oo aad u badnaa, kuwaas oo  isguna jiray dad rayid ah iyo ciidammo ka tirsan AMISOM oo ka mid ah Ciidamada dalalka Ethiopia iyo Djibouti ka jooga Somalia.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *