Hargeysa(ANN)Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay meel marinta miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2011-ka, oo ay horgeysay Wasaarada Maaliyada Somaliland.Miisaaniyadan ayaa ka badan Miisaaniyadii sanadkii hore 70%, sida lagu sheegay
war saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Qoraal saxaafadeedka ayaa  u qornaa sidan:-
“Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2011 oo Dhan 527,720.451,857 taas oo 70% ka badan tii sannadkii Hore ee 2010. Miisaaniyadan Waxa ku jira Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo 100% Waxa kale oo ku jira Markii ugu Horaysay Mashaariic Horu-marineed, Sidaasana loogu Gudbinayaa Golaha Wakiiladda oo ah Hay’ada Shirci ahaan Ansixinta Rasmiga ah leh.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda.
Odoroska Miisaaniyadda Xukuumadda cusub ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda Somaliland maalmaha soo socda, kuwaas   oo dastuurku awood u siiyay inay wax ka bedel iyo kaabis ku samayaan  Odoroska Miisaaniyad sannadeedka qaranka ee wasaaradda Maaliyaddu u gudbiso.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *