Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, ayaa si weyn u dhaliilay siyaasaddihii xukuumaddii ka horeeyay ee Somaliland dhinaca la macaamilka aduunka iyo qadiyada citiraaf raadinta oo uu  sheegay inaanay daacad ka ahayn, isagoo taa

 

bedelkeedana sheegay in  cilaaqaad wanaagsani  ka dhexeeyo Xukuumadda  Somaliland ee xiligan  iyo dalalka derisku, kaas oo uu xusay  inuu isu bedeli doono heer ah inay aqoonsadaan madaxbanaanidda Somaliland.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhiftay inay rajaynayaan sidii cilaaqaad loola samayn lahaa dunida carabta.  Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay mar uu shalay  ka hadlayay barnaamijka la magac baxay maqal dadkaaga ee lagu qabto xarunta wasaaradda Warfaafinta, kaas  oo ay dadweynuhu su’aalo furan ku weydiiyaan masuuliyiinta xukuumadda.

Dr Maxamed C/laahi Cumar wuxuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ahayd ee uu xilka hayay, waxaanu sheegay in xukuumadihii hore kaga duwan yihiin in caalamku xilligan Somaliland ula xidhiidho si toos ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in wufuud culus oo ka kala socday dalal badani ay dalka yimaadeen lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii iskaashiga caalamiga ah ee Ingiriiska iyo Denmark.

“Wufuuda kala duwan ee dalka timid waxay muujinaysaa meeqaamka, sharafta, karaamadda iyo rajada laga qabo xukuumaddan maanta jirta ee Somaliland marka laga hadlayo siyaasadda dibada, waxay muujinayaan in isbedel weyni ku yimid siyaasaddii dibadda, waxa kale oo noo hirgalay in aanu wada shaqayn wanaagsan la yeelano qarammadda middoobay gaar ahaan golaha ammaanka, waxaana tusaale u ah sidii xukuummaddu u maaraysay diyaaraddii SARACEN ee soo fadhiisatay madaarka Hargeysa, taasi oo ka hor imanaysa qarraaraddii Qaramada Midoobay ee xakamaynta hubka,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibada oo ka hadlayay siyaasadihii xukuumadihii hore, wuxuu yidhi “Xukuumaddii ka horaysay tii Daahir Rayaale waxay tidhi “Dunidii dhabarka ayay inoo soo jeedisay,” Xukuumaddii Rayaalena waxay tidhi ‘Duniddii way inoo soo jeedsatay,” anaguna waxaanu aaminsan nahay halku dhig cusub oo siyaasadeed oo ah ‘dunidii way noo timid, waanay inala shaqaynaysaa’, waxaanu rajaynaynaa in aanu inta aanu joogno gaadhi doono ictiraafka iyo horumar dhaqaale.”

Wasiirka oo la weydiiyay in xidhiidhka wadammada deriska ay la leeyihiin uu horseedi karo aqoonsigii caalamiga ahaa, waxaanu yidhi “Himilooyinka qaranka Somaliland waxa ugu waaweyn in ay hesho bulshadda caalamka, waxaanu rajaynayaa in waddamada aanu jaarka nahay ee xidhiidhka wanaagsani inaga dhexeeyo in cilaaqaadkaasi isku rogo ictiraaf.”

Dr Maxamed C/laahi Cumar, oo la weydiiyay lixdii bilood ee uu xilka hayay wuxuu u booqan waayay dal Carbeed waxaanu yidhi “Runtii Carabtu waxay ka mid yihiin dalalka aynu ka doonayno ictiraafka, sidii ka muuqatay khudbadii madaxweynaha iyo siyaasadda dibada ee wasaaradda arrimaha dibada Carabtu waxay ku jirtaa dalalka aynu awoodda saarayno. Anigu ma aan booqan lixdii bilood ee aan joogay wasaaradda dalalka Carabta oo shaqooyin kale ayaan lahaa, hase yeeshee masuuliyiin badan ayaa booqday dalalka Carabta, waxa ugu dambeeyay wasiirka macdanta iyo biyaha oo wadahadlo wax ku ool ah la yeeshay dawladda Immaraadka Carabta, wada hadaladaasi oo aanu rajaynayno in wasaaradda arrimaha dibaddu sii ambo qaado. Wasiirka duulista ayaa booqday Kuwayd oo madaaradda dalka dib  habayn inoogu samaynaysa.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland, Dr Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay inuu rajaynayo in cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka derisku uu isu bedeli doono heer ah in ay aqoonsaan madaxbanaanidda Somaliland.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay maanta  oo uu ka hadlayay barnaamijka la magacbaxay maqal dadkaaga ee lagu qabto xarunta wasaaradda Warfaafinta oo dadweynuhu ay su’aalo furan ku weydiiyaan masuuliyiinta xukuumadda.

Dr Maxamed C/laahi Cumar wuxuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ahayd ee uu xilka hayay, waxaanu sheegay in xukuumadihii hore kaga duwan yihiin in caalamku xilligan Somaliland ula xidhiidho si toos ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in wufuud culus oo ka kala socday dalal badani ay dalka yimaadeen lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii iskaashiga caalamiga ah ee Ingiriiska iyo Denmark.

“Wufuuda kala duwan ee dalka timid waxay muujinaysaa meeqaamka, sharafta, karaamadda iyo rajada laga qabo xukuumaddan maanta jirta ee Somaliland marka laga hadlayo siyaasadda dibada, waxay muujinayaan in isbedel weyni ku yimid siyaasaddii dibadda, waxa kale oo noo hirgalay in aanu wada shaqayn wanaagsan la yeelano qarammadda middoobay gaar ahaan golaha ammaanka, waxaana tusaale u ah sidii xukuummaddu u maaraysay diyaaraddii SARACEN ee soo fadhiisatay madaarka Hargeysa, taasi oo ka hor imanaysa qarraaraddii Qaramada Midoobay ee xakamaynta hubka,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibada oo ka hadlayay siyaasadihii xukuumadihii hore, wuxuu yidhi “Xukuumaddii ka horaysay tii Daahir Rayaale waxay tidhi “Dunidii dhabarka ayay inoo soo jeedisay,” Xukuumaddii Rayaalena waxay tidhi ‘Duniddii way inoo soo jeedsatay,” anaguna waxaanu aaminsan nahay halku dhig cusub oo siyaasadeed oo ah ‘dunidii way noo timid, waanay inala shaqaynaysaa’, waxaanu rajaynaynaa in aanu inta aanu joogno gaadhi doono ictiraafka iyo horumar dhaqaale.”

Wasiirka oo la weydiiyay in xidhiidhka wadammada deriska ay la leeyihiin inuu horseedi karo aqoonsigii caalamiga ahaa, waxaanu yidhi “Himilooyinka qaranka Somaliland waxa ugu waaweyn in ay hesho bulshadda caalamka, waxaanu rajaynayaa in waddamada aanu jaarka nahay ee xidhiidhka wanaagsani inaga dhexeeyo in cilaaqaadkaasi isku rogo ictiraaf.”
Dr Maxamed C/laahi Cumar, oo la weydiiyay lixdii bilood ee uu xilka hayay wuxuu u booqan waayay dal Carbeed waxaanu yidhi “Runtii Carabtu waxay ka mid yihiin dalalka aynu ka doonayno ictiraafka, sidii ka muuqatay khudbadii madaxweynaha iyo siyaasadda dibada ee wasaaradda arrimaha dibada Carabtu waxay ku jirtaa dalalka aynu awoodda saarayno.

Anigu ma aan booqan lixdii bilood ee aan joogay wasaaradda dalalka Carabta oo shaqooyin kale ayaan lahaa, hase yeeshee masuuliyiin badan ayaa booqday dalalka Carabta, waxa ugu dambeeyay wasiirka macdanta iyo biyaha oo wadahadlo wax ku ool ah la yeeshay dawladda Immaraadka Carabta, wada hadaladaasi oo aanu rajaynayno in wasaaradda arrimaha dibaddu sii ambo qaado. Wasiirka duulista ayaa booqday Kuwayd oo madaaradda dalka dib  habayn inoogu samaynaysa.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *