war saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Qoraal saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-
“Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2011 oo Dhan 527,720.451,857 taas oo 70% ka badan tii sannadkii Hore ee 2010. Miisaaniyadan Waxa ku jira Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo 100% Waxa kale oo ku jira Markii ugu Horaysay Mashaariic Horu-marineed, Sidaasana loogu Gudbinayaa Golaha Wakiiladda oo ah Hay’ada Shirci ahaan Ansixinta Rasmiga ah leh.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda.
Odoroska Miisaaniyadda Xukuumadda cusub ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda Somaliland maalmaha soo socda, kuwaas oo dastuurku awood u siiyay inay wax ka bedel iyo kaabis ku samayaan Odoroska Miisaaniyad sannadeedka qaranka ee wasaaradda Maaliyaddu u gudbiso.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1