Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah oo ay ku kala qaybsameen ku meelmariyay Miisaaniyadda xukuumadda ee 2012, taas oo muran iyo khilaaf saaka ka abuurtay fadhigii mudanayaasha Somaliland ka hor intii aan
cod la gelin.Fadhiga maanta oo ay kasoo xaadireen 57 Mudane, waxa sawxan iyo buuq yar oo mudanayaasha qaarkood kaga soo horjeedeen in sidaa lagu gudbiyo miisaaniyada ugu danbayntii shirgudoonku ka codsaday inay u codeeyaan, iyadoo ay oggolaadeen Ansixinteeda 36 Mudane, Sagaal iyo tobanmudane ayaa ka aamusay, hal mudane ayaa diiday. maanta cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470, taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo intii aan la akhriyin warbixin kooban ka jeediyay fadhigii Gollaha ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ka baaqsatay balanqaadkeedii sanadkii hore ee ahaa inay golaha usoo gudbiso shuruucda lagu aasaasay Hay’addaha Madax banaan ee ay samaysay ee Miisaaniyadda ku jira, isla markaana ay ka baalmartay nidaamka dastuuriga ah ee qeexaya inay sannad kasta Miisaaniyadda ku horkeento Golaha wakhtiga loogu talogalay ee bisha Desember.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu ka hadlay soo jeedimo loosoo jeediyay oo ahaa in Miisaaniyadda kharash loogu daro Garsoorka, Wadada Ceerigaabo iyo Doorashooyinka , balse Gudoomiye C/raxmaan Cirro, ayaa sheegay xukuumaddu ay hore u aqbashay hase yeeshee aan waxba lagaga l darin Miisaaniyadda sanadkan ee la Ansixiyay.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha ayaa ka hor intaan la Ansixin Miisaaniyadda 2012-ka ku dhawaaqayay in aan cod la galin intaan laga wadahadal in soo jeedimha ay xukuumaddu aqbashay aan Miisaaniyada lagu darin.
Hase yeeshee Mudanayaasha doonayay in sidaa lagu ansixiyo Miisaaniyadda ayaan dheg u dhigin soo jeedinta dhaliisha ah ee Shirguddoonku ka jeediyay golaha, waxayna weedhaha gudoomiyuhu sababeen inay qaar ka tirsan xildhibaanada kasoo horjeeday ansixinta Miisaaniyadda in sidaa lagu sii daayo ka dareeraan madasha fadhiga. Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470, taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011, waxa jira mashaariic dhinaca horumarinta oo ku wajahan addeegyadda Bulshadda gaar ahaan Caafimaadka iyo waxbarashadda, basle waxa jirtay inay mudanayaasha qaarkood farta ku fiiqayaan dhaliilo baddan oo ay sheegeen inay xanbaarsantahay miisaaniyaddu.
Dhinaca kalena waxa maanta dhamaaday Kal-fadhigii 17 aad ee Golahaa, waxaanu fasax galay muddo dhawr todobaad ah, kaas oo ah fasaxoodii dastuuriga ahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com