Laascaanood(ANN) Malayshiyada Maamulka Budhcad-badeeda ee xaruntoodu tahay Garoowe ayaa maanta weerar kusoo qaaday fadhiisinka aaga hore ee ciidanka qaranka Somaliland ee Kanbadhe oo qiyaastii 20 Km kaga beegan dhinaca Koonfureed ee Laascaanood. Afhayeen u hadlay

ciidanka qaranka Somaliland Cismaan C/llaahi ayaa isagoo ku sugan fadhiisinka ciidanka qaranka ee Ganbadhe u sheegay Idaacada BBC-da  laanteeda afka Soomaaliga in malayshiyada Budhacad-badeedu maanta duhurkii weerar laba dhinac ah kusoo qaaday  saldhiga ciidanka ee Kabadhe, wuxuuna sheegay inay wateen qiyaastii 22-23 gaadhi oo tigniko ah, balse dhirbaaxo kulul ay kala kulmeen ciidanka qaranka, isla markaana laga qabtay laba gaadhi oo nooca yar yare ee Tignikada ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay  in maxaabiis laga qabtay malayshiyadaa, isla markaana ay ciidanka qaranku baacsadeen oo ku celiyeen Tukaraq.
Afahayeenka u hadlay ciidanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in laba askari dhaawac fududi kasoo gaadhay, isla markaana aan wax khasaare ahi soo gaadhin dhinaca ciidanka qarnka Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *