Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo geba gebeeyay dood la xidhiidhay Xeerka Takaaliifta Amniga madaaradda dalka oo doodiisu ka socotay golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo ay mudanayaashu isku khilaafsan yihiin meel marintiisa.

Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed faarax ayaa fadhiga Gudoominayay, iyadoo ay dooda maanta ka qaybqaateen 8 Xildhibaan, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkaa.
Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah mudanayaasha ka qaybqaatay dooda ayaa si adag uga hadashay xeerkaa, waxayna ku dooday in uu yahay mid la doonayo in lacag xaaraan ah lagaga qaato muwaadiniinta dalka ka dhoofaya, ama kasoo gelaya madaarada. sidaa awgeed waxay ugu baaqday inay goluhu diidaan lacagtaa $ 10 dollar ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirku qaado oo aan ku jirin miisaaniyada qaranka.

Hase yeeshee waxa jira mudanayaasha qaar soo jeediyay in xeerkaa la meel mariyo, balse lacagta ay qaado wasaaradda Maaliyadu. laakiin waxa jira mudanayaal kale oo ku doodaya in lacagtaa laga dhigo $ 5 dollar, balse loo daayo inay maamusho Wasaaradda Duulista, balse waxa la filayaa inuu meel mariyo xeerkaa maalinta Sabtida ee soo socota.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *