Taliska Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dad lagu soo qabtay Howl gallo ka socday Muqdisho

Muqdisho(ANN)Taliyaha Hay’adda Dambi Baadhista ee dolwadda Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ku raad joogaan dadkii ka danbeeyay dilkii Loo geestay Wariyihii ugu dambeeyay ee lagu dilay Magaalada Muqdisho maalmihii

 

lasoo dhaafay iyo kuwii ka horeeyay loo xilsaaray.

Taliyaha Hay’adda Dambi Baadhista ayaa sheegay in baadhitaano ay sameeyeen gudi ka tirsan Hey’adda dambi baadhista ee dowladda Soomaaliya ay ku raad Joogaan,  islamarkaana Kiisaskooda ay haayaan dadkii ka dambeeyay dilka Saxafiyiintii lagu dilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay soo bandhigi doonaan Kiisaska dadkii ka dambeeyay dilalka Saxafiyiinta lagu laayay Muqdisho.

Dhinaca Kale  Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya Shariif  Sheekh Una Maye ayaa dhiniciisa sheegay in dowladdu ay hore u ballan qaaday in ay gacanta ku soo dhigi doonaan islamarkaana ay ku raad Joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka Allah  ha U Naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo ka howl Gali Jiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Hadalkani ka soo baxay Taliska Ciidanka Buliiska iyo Hay’adda Dambi Baadhista dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmay. kadib markii ay canbaarayn caalami ah soo waajahday dawlada Somalia dilalka sii socda sanadii u danbeeyay ee lagu ugaadhsanayay suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho, iyadoo gudaha Somalia oo dhan Sanadkii hore lagu dilay illaa 18 Saxafi, balse  Wariyihii ugu horeeyay lagu dilay Magaalada Muqdisho ayaa ahaa weriye ka hawlgelayay Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah Idaacaddaha Soomaalida ee ka hawlgala Muqdisho .

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *