Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay dhawaaq dublamaasiyadeed oo maanta ka soo baxay Xafiiska arrimaha debedda ee dalka Britian, kaas oo muwaadiniinta u dhashay dalka Britian ee ku sugan Somaliland loogu baaqay inay deg deg

 

uga baxaan, isla markaana aanay u safri karin dalka Somaliland.

Wasiirka arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in aanay wax nabad geliyo daro ah ka jirin Somaliland, isla markaana ay ku kalsoon yihiin nabad geliyada dalka ka jirta, isagoo dhinaca kalena ka hadlay kulamo ay Addis ababa ku yeesheen Maraykanka, Dawlada Koonfurta Suudaan iyo wadamo kale, kuwaas oo natiijadooda uu ku sheegay guul siyaasadeed iyo heshiis dhexmaray Somaliland iyo Koonfurta Suudaan.  

Hase yeeshee Dr. Maxamed C/llaahi wuxuu isagoo ka hadlaya arrinta dhawaaqa dawlada Britain yidhi, “Waxaanu maanta helnay fariin ka timid dawlada Ingiriiska taasi oo muujinaysa dareen xagga nabad geliyada ah, gaar ahaana arrimaha guud ee argagixisada, shacabka reer Somaliland iyo ajnabiga kale ee dalka ku nool iyo beesha kale ee caalamkaba waxaanu u sheegaynaa in xukuumada Somaliland aanay haynin wax mushkilad ah ama dareen cabsiyeed ah oo la xidhiidha nabad geliyada dalkan, Nabadgeliyada Somaliland waa mid sugan, waa mid ku jirta gacanta ciidamada iyo hay’adaha kale ee nabad geliyada u qaabilsan dalka, waxaanan u sheegaynaa in aanu kalsooni buuxda ku qabno haddii aanu nahay xukuumada Somaliland nabad geliyada dalkayaga, xuduudeheeda iyo guddeheedaba”. ayuu yidhi wasiirka arrimaha debeda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan baadhitaan ku samaynayaan nabad geliyo darada ay sheegtay dawlada Briatin in ay ka jirto Somaliland, isagoo yidhi, “dareenkan nabad geliyo darada ah ee ay dawlada Ingiriisku sheegtayna waanu baadhaynaa, hay’addaha nabadgelyada ee dalku waxay ku samayn doonaan daba gal iyo baadhitaan, laakiin wax cabsi ah oo aanu ka qabnaa ma jirto ee kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa nabad gelyada dalka, waxaanan u sheegaynaa in ay dadku sidaa ula socdaan, beesha caalamka iyo dadka ajnabiga ah ee dalka ku noolba waxaanu u sheegaynaa in dalku yahay dal nabad geliyo ah” ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha debeda Somaliland, wuxuu ka hadlay kulamo ay Addis ababa kula yeesheen Dublamaasiyiin ka socda dalalka Maraykanka iyo masuuliyiin ka socday dalalka Suudaan, Masar iyo wadamo kale oo shirka Ururka Midawga afrika ee ka furmay halkaa ka qaybgelaya, wuxuuna isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay ka wad hadleen Maraykanka yidhi,  “Waxaan ka soo noqday safar aan ugu maqnaa dalka Itoobiya, oo uu ka socday shirka ururka midawga Afrika ee sanad laha ah, intii uu shirkaasi socday aniga iyo weftigii kale ee ila socdayba waxaa noo suurta gashay in aanu la kulano wefti ka socday dawlada Maraykanka

sida laga war qabo waxaa dhawaan dawlada Maraykanka iyo dawlada cusub ee Somaliya dhex maray xidhiidh aqoonsi arrintaasi oo halkan (Somaliland) dood ka abuurtay si aanu u xaqiijino xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo maraykanka, waxa uu weftigaasi noo sheegay in ay kala hadleen madaxwaynaha Soomaaliya ka hor intii aanay dawlada Maraykanku u fidin aqoonsiga in aanu aqoonsigaasi saamayn ku yeelan xidhiidhkii iyo dawashaqayntii jamhuuriyada Somaliland iyo maraykanka, markaa waxaanu jecelnahay in ay dadku sidaa u ogaadaan arrintaa” ayuu yidhi Dr. Maxamed C/llaahi.

Sidoo kalena waxa uu sheegay in weftiga ka socday dawlada Koonfurta Suudaan ay isla soo qaadeen wada hadalo hore oo u socday, kuwaas oo sida uu sheegay  la xidhiidhay sidii ay labada dal  ee Somaliland iyo Koonfurta Suudaan isku dhaafsan lahaayeen safaarado, taas oo ay heshiis ka gaadheen, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa kale oo aanu la kulanay weftigii ka socday dawlada Koonfurta Suudaan ee ka qayb gelayay shirka waxaanu ka wada hadalnay wada hadalo horeba noogu socday oo ah in labada dal ay is dhaaf sadaan xafiisyo iyo safaarado taasi oo mudaba qabyo ku ahayd dhinaca Koonfurta Suudaan oo hore u sheegtay in aanay farsamo ahaan diyaar u hayan bal se aanu mabda’iyan isla qaadanay, waxaanan shacabka Somaliland u sheegayaa in labada dalba ay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan dawlada Somaliland loo ogol yahay in ay safiir iyo safaaradba ka samaysato magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan, laakiin ay dawlada Koonfurta Suudaan muddo ku qaadan doonto arrin dhinaca farsamada ah awgeed.” ayuu yidhi Dr. Maxamed C/llaahi Wasiirka arrimaha debeda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *