http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/araweelonews-300x168.jpgHargeysa(Araweelo News NetworkXisbiyada  Mucaaradka Somaliland ayaa dalbaday qoraal codsi ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kaga dalbadeen in loo fasaxo Mudaharaad salmi ah oo ay ku diidan yihiin xeerka Wadooyinka ee golaha wakiilada horyaal.

 

 

Sidaana waxa saxaafada u sheegay Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Mr. Maxamed Xasan Dirir oo maanta warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay inay wasaaradda Arrimaha gudaha u gudbiyeen qoraal wada jir ah oo ay soo saareen labadda xisbi mucaarid, kaasi oo ay kaga dalbanayaan mudaharaad ka dhan ah xeerk takaaliifta xeerka waddooyinka Somaliland oo gala wakiiladda doodiisa lagu soo gebagebeeyay shalay, isla markaana saaka loo qaybiyay si ay mudanayaashu go’aan uga gaadhaan maalmaha soo socda.

.
Xoghayaha Waddani oo ka hadlaya arrintaa waxa uu yidhi,“Maanta oo taariikhdu tahay 23/09/2013 waxa labadda xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha laba codsi oo wada jir ah oo ay ku dalbanayaan mudaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan Xeerka Golaha horyaala ee loo yaqaano Xeer Xirsi. Xeerkaasi oo la doonayo in ummadda Somaliland lagu baadho,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI.

Xoghayaha Xisbiga mucaaradka ee Waddani Maxamed Xasan Dirir, waxa uu sheegay in ay u qorshaysantahay in mudaharaadku  ka dhaco dhismaha Xarinta Baarlamaanka horteeda oo dhawr talaabo u jirta Madaxtooyada, wuxuuna xusay in mudad mudaharaadku soconayo ay noqonay dhawr saacadood, isagoo yidhi,  “Waxaanu ka dalbanay mudaharaad salmi ah oo aanu sadex saacadood ka hor dhigno Golaha Wakiiladda Somaliland.”

Dhinaca kale Mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa saaka loo qaybiyay nuqulada xeerkaa kadib markii ay soo dhamaatay dood kulul oo sababtay in mudanayaasha qaarkood gacanta isula tagaan maalmihii lasoo dhaafay.
Xeerka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda golaha wakiiladdu go’aan ka qaataan, waxayna dhawaaqyada xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro  kuwo la doonayo in waxyaabo kale lagu qariyo, maadaama gudoomiyaha Waddani yahay  gudoomiyaha golaha wakiiladda ee xeerkaa gacanta ku haya, isla markaana haddii xisbi ahaan ay diidan yihiin xeerkaa aanu golaha dhaafi Karin.
Si kastaba ha ahaatee xeerkaa ayaa si weyn usoo jiitay rayal caamka bulshada, iyadoo xeerka oo xanbaarsan cashuuro saayid ah oo muwaadiniinta ku waajibinaya  ay xukuumaddu ku dooday in wax lagaga qabanayo wadooyinka dalka oo u baahan dhaqaale aanay Somaliland awood u lahayn waqtigan xaadirka ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *