Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka muran ka taagnaa oo hor yaalay golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo ay ahaa xeerkaTakaaliifta amniga madaarrada Somaliland, isla maraakana ogolaanayay in lacag laga qaado
Madaarada oo wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland qaado la meel mariyo, balse muran iyo doodo ka taagnaayeen.Hase yeeshee fadhigii maanta ee Golaha wakiiladda oo uu Gudoominayay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, waxa Golaha ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee aqalkaasi ka kooban yahay, kuwaas oo cod loo weydiiyay xeerkaa.
46 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta xeerka Takaaliifta amniga madaarrada Somaliland, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa ka aamusay, iyadoo aanu guddoomiyuhu codayn, sidaana waxa uu goluhu ku meel mariyay xeerka takaaliifta amniga madaarrada dalka ee 10-ka Dollar ee lagu soo rogay kabaabka diyaaradaha.
Ansixinta xeerkan ayaa muran iyo doodo ka dhasheen, iyadoo ay mudanayaashu ku kala aragti duwanaayeen, balse ugu danbayntii waxay ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah. kadib markii ay dhamaatay doodii mudanayaasha ee la xidhiidhay xeerkaa, iyadoo xeerku jideeyay in lacagtaa oo ah $10 dollar ee lagu soo rogay rakaabka diyaaraha ay maamusho Hay’adda NASHA oo ah shirkad gaar loo leeyahay.