http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2014/01/araweelonews-300x168.jpgHargeysa(Araweelo News Network) Golaha Wakiiladda Somaliland oo saaka buuq iyo sawaxan hadheeyay ayaa dib loo dhigay fadhiyadiisa muddo todobaad ah. Kadib markii ay mar kale soo

 

dhexgaleen Odayaasha Guurtida.
Subaxnimadii hore ee saaka waxa kasoo xaadiray mudanayaasha intooda badan, kuwaas oo sugayay in maanta lagu kala calafqaado cod bixin mooshinada iska soo horjeeda ee dhinacyada Gudoomiye Cirro iyo kooxda kale ee kasoo horjeeda.
Ka hor intii aan la gelin hoolka waxa jiray buuq iyo sawaxan ka aloosnaa xayndaabka dhismaha xarunta golaha Wakiilada, waxaana muddo la sugayay Gudoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro oo shalay xidhay fadhigii golahaa.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha ayaa gacanta isa saaray ka hor intii aan Gudoomiye Cirro soo gelin Hoolka, balse Odayaasha Guurtida ayaa mar kale soo dhexgalay arrinta, waxaana dib lo dhigay fadhiyadii golaha muddo todobaad ah.
By Axlaam Maxamed

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *