warancade1Hargeysa(Araweelo News Network)Kulan sadex geesood ah oo Albaabada loo xidhay oo lagu qabtay maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu kala saxeexday sidii loo dhaqan gelin lahaa

 

diiwaangelinta iyo Waraaqaha Aqoonsiga.
Kulankaa oo ka dhacay dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu dhexmaray guddida doorashooyinka, saddexda xisbi qaran iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana lagu kala saxeexday qaabka loo bilaabayo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo kaadhadhka Aqoonsiga ee muwaadinka oo xeerka lagu bixinayo hore loo dhaqangeliyay.
Markii uu dhamaaday kulankaa oo saxaafu banaanka ka joogtay waxaa warbaahinta si wada jir ula hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaah guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde iyo guddoomiyaha gudidda doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (xamari).

Cali Waran Cadde Wasiirka Arrimaaha  warbaahinta u sheegay waxyaabaha lagaga hadlay  kulankaa saddex geesoodka ahaa iyo qodobadii ay ku gorfeeyeen ayaa sheegay ay kaga wada hadleen sidii doorashadda soo socota ee sanadka 2015-ku ay u dhici lahayd wakhtigeeda, isla markaana inta wakhtigaasi ka horaysa loo samayn lahaa diiwaangelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha.
waxaanu tilmaamay Waran cadde in ay isla waafaqeen sidii ay beesha caalamka gaar ahaana deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ay cod midaysan ugaga codsan lahaayeen in ay maalgeliyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, halka diiwaangelinta madaniga ah oo ay wasaaradda daakhiligu ka masuul tahayna loo wadi lahaa.
Cali Maxamed Waran Cadde, isaga oo arrintaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan ku kulanay madaxda axsaabta qaranka, gudidda doorashooyinka iyo anaga oo ah wasaaradda arrimaha guddaha, waxaananu kulankaasi ku gorfaynay sidii doorashadda sanadka 2015-ka ee soo socda ay ugu dhici lahayd wakhtigeedii, iyo sidii habkii ka horeeyay ee ahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diiwaan gelinta madaniga ahba inta ka horaysa looga gaadhsiin lahaa, Waxaanu isla waafaqnay in aanu beesha caalamka cod midaysan kula hadalno sidii loo maalgelin lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, wixii wasaaradda arrimaha guddaha iyo xukuumadu ka masuulka tahayna ee sida diiwaan gelinta madaniga ah loo wadi lahaa, isla markaana si wada jir ah hadhawto dadka loogu soo saari lahaa kaadhka codbixinta iyo kii dhalashadaba”.
Wasiirka Arrimaah guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo ka hadlaya sidii laysugu wadi lahaa hawshaa ayaa yidhi,“Annaga oo sidii hore loogu heshiiyay labadaba is-barbar wadi doona labadubana ay wakhtigoodii ku qabsoomi doonaan, dhamaantoodna la dhameeyo inta aanu dhamaanin sanadkani 2014-ka sida sharcigu qorayo lix bilood ka hor doorashadda in uu qofku haysto kaadhka codaynta iyo ka dhalashadda labadaba ayaanu isla waafaqnay, Wixii aanu anagu hayno iyo wixii naga dhiman ee xagga deeq bixiyeyaasha ku maqana in aanu si wada jir ah u doono gaar ahaan kaadhka codbixinta oo aanay ilaa hada waxba ka bixin, tan kaadhka dhalashadana Wasaaradda daakhiliga iyo dawladda ayaa wada, oo iyada kharashkeedii waanu haynaa, laakiin waa in aanu iyadna tii kalena sii wadi  doono si aanay u kala hadhin labada hab, hadhawna aanu meel midaysan ku soo saarno kaadhkii dhalashadda,  isla markiibana qofkii la siiyo kaadhkii codbixinta, oo aanu welibana labada dhinac ka wada shaqayno, haddii ay kaadhka dhalashada tahayna ay axsaabta iyo komishanku nagala qayb galaan sida aanuw ax u wadno, marka ay tahay ta kalena aanu hareeraha ka wada fadhino oo aanu si wada jir ah u wada shaqayno qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ah oo aanu filayno in ay yarro gal-galanayaana aanu xooga wada saarno, oo aanu u cadayno in aanu midaysanahay, dhaqaalahana aanu isla ogolnahay, codbixinta haddii aanu dawladda nahay ama ka wasaarad ahaan in aanu qayb libaax ka qaadan doono sidii loo heli lahaa dhaqaalihi lagu wadi lahaa” ayuu yidhi Cali Waran Cadde.

Sidoo kale Guddoomiyaha gudidda doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamarri) oo isna warbaahinta uga waramay waxyaabihii uu kulankaasi ku saabsanaa iyo qodobadii ay kaga wada hadleen, isagoo yidhi “Shirkan aanu maanta galnay waxaanu isugu nimid wasaaradda arrimaha guddaha, saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka, shirkaasi waxa uu ku saabsanaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah nidaam ama hab ka dhexeeya wasaaradda daakhiliga, saddexda xisbi qaran iyo gudidda doorashooyinka, waxaanu isla waafaqnay in wasaaradda arrimaha gudduhu qaybteedii kaga aadanayd diiwaabeglinta codbixiyeyaasha ay ka soo baxayso waajibaadkii ka saarnaa”. Ayuu yidhi Ciise Xamarri.

Gudoomiye Xamarri waxa uu ka hadlay doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo doorkoda Komishan ahaan, isagoo yidhi, “Arrinta diiwaangelinta muwaadiniintana ay Wasaaradda Arrimaha guduhu u madax-banaan tahay oo ay gaar u leedahay, laakiin wixii diiwaangelinta codbixiyeyaasha kaga beegan in ay sidii uu xeerku ahaa ay u fulinayso oo ay waafaqsan tahay, isla markaana aanay xarqalad ku noqon doonin diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee soo socota, taasi ayaanu isla waafaqnay kuna kala saxeexanaynaa oo aanu doonaynaa in aanu dadka iyo caalambaa ogaysiino” ayuu yidhi Ciiise xamari.
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *