Nairobi (ANN) Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wefti uu Hoggaaminayo oo ay magaalada Nairobi kasoo raaceen Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo xubno baarlamaanka dalkaa ka tirsan   ayaa maanta raashin u qeybiyay 5000 (shan kun oo qoys) oo ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku jira xerada qaxoontiga  Ifo 2 ee kasoo qaxay  abaaraha ba’an iyo macaluusha ka jirta dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya.
“Kaalmaadan aanu gaadh siinay ee aanu qeybinay  waxay dhan tahay illaa 180 tan oo Raashin kala duduwan  ah  oo aanu ugu tallo galay xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka ka soo qaxay Soomaaliya gaar ahaan xerada IFO oo ay ku jiraan qaxoontigii dambe ee soo barakacay oo maalintii naloo sheegay inay yimaadaaan illaa kun qof,”ayuu yidhi Wasiirka diinta iyo Awqaafta maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da.
Waxaanu intaasi ku daray “Qoyskiiba waxaanu siinaynay shan shay oo kala ah Bariis, daqiiq, sonkor, saliid, caano iyo shah,waxaanu raashinkan ka sii iibinay Magaalada Gaarisa oo u dhow xeradan. Waxa raashinkan aanu qeybinay ay dhan tahay 200 oo kun oo Dollar.”
Sh. Khaliil waxa uu sheegay in kaalmadan ay qeybiyeen ay tahay qeyb ka mid ah lacag 700 oo kun oo Dollar ah oo laga soo ururiyay shacbiga iyo xukuumadda Somaliland.
“Kaalmadan 70% waxa la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halka 30% aanu halkan  xeradan (IFO) keenay,”ayuu yidhi Wasiirku.
Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo la  weydiiyay fikirka uu ka markii hore ka haystay qaxoontinimada iyo xaalada xeryaha qaxoontiga waxa uu yidhi “Kollay Anagu (Somaliland) qaxoontinimo waanu soo maray waana aanu garanaynaa xaalad qaxoonti, laakiin tani way ka daran tahay waxaanu ku aragnay dad illaa imika soconaya oo soo gaadhaya xeryaha qaxoontiga, waxa naloo sheegay in xeradan  ay maalintii soo galaan illaa kun qof oo qaxoonti ah oo ka yimid Soomaaliya. Waana xerada ugu weyn ee qaxoonti ee Afrika iyo aduunkaba.”
Wasiirka Diinta iyo Aw qaaftu waxa uu sheegay in  haddii Hoggaamiyeyaasha siyaasada ee Soomaaliya ay dedaalaan inay dalkooda dhibaato badan ka badbaadin kari lahaayeen.
Deeqdan ayaa ah tii labaad ee Somaliland gaadhsiiso dadka abaaraha, macaluusha iyo dagaalada aafeeyeen ee Soomaalida ah,  iyadoo koox kale oo ka mid gudida taakulaynta abaaraha Somalia ay  Somaliland u xil saartay  deeq u gaadhsiiyeen xeryaha qoxootiga  magaalada Muqdisho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *