London(ANN)Madaxii Idaacada Laanta Afka Somaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay idaacadaas. Yuusuf Garaad, wuxuu sidaa ku sheegay

 

qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bogagiisa Facebook iyo twitter.
Qoraal kooban oo Yuusuf Garaad ku baahiyay barihiisa wuxuu ku  yidhi , “20 sano ka dib, waxaan maanta [shalay] ka ruqseystay BBC World Service oo aan n u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga ee BBC.”, wuxuuna  intaa  raaciyay inuu tegayo Somalia, isagoo yidhi,  “Waxaan tegeyaa dalkeyga Hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal.”
Yuusuf Garaad, wuxuu  muddo dheer ahaa madaxda laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa waxaana la rumaysanyahay inay is casilaadiisu la xidhiidho sidii uu siyaasada Somalia ee dhawr iyo labaatanka sanadood sabaynaysay ka qaybqaato.
Yuusuf Garaad, ayaa mudadii uu madaxda ka ahaa Idaacada BBC-da laanta Afka Soomaalida, wuxuu uga faa’idaystay siyaasadiisa iyo inuu meelmariyo fekerkiisa siyaasadeed. Sunday, 06 February 2011, Faallo lagu baahiyay shebekada Araweelonews oo ciwaankeedu ahaa “Jaah-wareerka Beesha Beesha Caalamka Ee Qorshaha Siyaasada Somalia, Riyadda Prof. Samatar Iyo Yusuf Garaad Oo Isu Cimmaamadday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare “ ayaa lagu saadaaliyay damaca Yusuf Garaaddad Faalladaa oo uu qoray Carraale  M. Jama oo ah  Freelance Journalist and Human Rights Activist, wuxuu ku saadaaliyay sanadkii hore damaca Yuusuf Garad iyo  saaxiibkii Prof. Cabdi ismaaciil Samatar oo dhowaan Muqdisho gaadhay, kuwaas oo  doonaya inay siyaasada Somalia ka  qaybqaataan.halkan ka akhriso Faalladaa oo ciwaankeedu ahaa sidan, “Jaah-wareerka Beesha Beesha Caalamka Ee Qorshaha Siyaasada Somalia, Riyadda Prof. Samatar Iyo Yusuf Garaad Oo Isu Cimmaamadday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *