Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay soo taaban doonto xadka sharciga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna digniin adag u dirtay cid kasta oo isku dayda  inay carqaladayso gaadhitaanka xuduudda Somaliland. Sidaa waxa ku dhawaaqay

Wasiirka Warfaafinta, isla markaana ah  Afhayeenka xukuumadda Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo hadal ka jeediyey shalay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo oo Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay boqollaal qof oo reer Sanaag ah, waxaannu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo safarkii madaxweynaha Somaliland ee Laascaanood iyo jiidda hore ku tilmaamay mid daandaansi ah.
“Waxaannu tagaynaa jiidda hore ee ciidanka qaranku fadhiyo, waxaanuna gaadheynaa xadkayaga Yoocada (xadka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland) ee bal ninka wax tuur-tuurayoow waa lagu arki doonaa, waxaanan ninkii wax tuurtuurayow kuugu ballanqaadayaa markaad dhagax yar nagu soo tuurto inaannu adiga ku dhaafno,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isaga oo xusay in aanay jirin cid Somaliland ka horjoogsan karta gaadhitaanka xadkeeda sharciga ah.
Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay maamulka Puntland oo la xidhiidhay safarkii madaxweynaha Somaliland ku tagay Laascaanood iyo jiidda hore ee ciidanka qaranka, waxa uu yidhi; “Nimanka ka hadlay Puntland oo yidhi sidee Madaxweynaha Somaliland u yimaaddaa Laascaanood ama jiidda hore ee ciidanka qaranka, kaasi waa nin iska hambabaray, waxaanan leeyahay Faanoole fari kama qodna.”
Maamulka Puntland ayaa hayb qabiil ku sheegta degaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay arrintaasi sababtay isku dhacyo iyo dagaallo dhawr jeer dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo malleeshiyaadka Puntland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *