Hargeysa(ANN) Aqalka Odayaasha ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isugu yimi maanta fadhi aan caadi ahayn, iyagoo ku gudo jiray fasaxoodii caadiga dastuuriga ahaa. Kadib markii kalfadhi aan caadi ahayn oo shirgudoonku iskugu yeedhay mudanayaasha guurtida.
Fadhiga aan caadiga ahayn oo maanta uga furmay golahaa Dhismaha Baarlamaanka, waxa kasoo qaybgalay 44 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaanka ee Aqalkaasi ka kooban yahay. Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha oo hadal u jeediyay Mudaneyaasha ayaa sheegay in golaha loogu yeedhay si ay doorkooda uga qaataan wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha dhinaca ammaanka, waxaanu tilmaamay in xeer hoosaadkooda iyo dastuurkuba u ogol yahay inay kal-fadhiyo aan caadi ahayn yeeshaan marka hawlo deg deg ahi soo waajahaan.
Weedhaha gudoomiye xigeenka guurtidu ku sharaxay ujeedada fadhiga aan caadiga ahayn. Kadib waxa Mudaneyaasha fadhigan ka soo xaadiray loo qeybiyay ajandaha kalfadhigan aan caadiga ahayn, kaas oo qodobada lagaga lagaga hadlayo ay ka mid yihiin, Warbixinta shirgudoonka Golaha, Dooda iyo falanqeynta xaalaaddaha taagan ee dhinacyada nabad gelyadda iyo siyaasadda dalka
Sidoo kale ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn, waxa lagu xusay in goluhu xogwaran la yeesho masuuliyiinta qaranka qaarkood, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiirka Arrimaha dibadda, masuuliyiinta kale ee loo baahdo iyo arrimo kale.
Gudoomiye xigeenka golaha, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha oo fadhigaa gudoominayay ayaa gebo-gebadii fadhigaa Mudaneyaasha kasoo xaadiray u weydiiyay cod gacan taag ah inay ku ansixiyay ajandaha kalfadhigaa aan caadiga ahayn, kaas oo dhamaan mudanayaasha kasoo xaadiray u codeeyeen, sidaana ku ansaxay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com