Burco(ANN) Nin dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii lagu toogtay goob istaan ah oo ay ka baxaan gaadiidka u baxa dhinaca magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad ku dhow dhow ehelada Ninkaa

oo ku sugan magaalada Burco.
Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/llaahi Caydiid oo qiyaastii dhawr iyo sodon jir ahaa, wuxuuna waqtigaa ku sugnaa goobta istaanka ay ka baxaan gaadiidku oo uu ka shaqeeyo, halkaas oo sida ay wararka laga helay dadkii goobta ka dhowaa sheegeen in Nin aan weli la aqoonsani xadab Afsaar ah kaga dhiftay shafka, taas oo wadnaha kala baxday. Sidaana uu ku geeriyooday marxuumku.
Ninka toogashada dilka  geystay  ayaa carary markii uu fuliyay falkaa, waxayna dadka goobta ka dhowaa isku dayeen inay qabtaan, balse uma ay suurta gelin. Lama garanayo ujeedada dilkaa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu marxuumku ahaa Ninkii sheegay Nin dhowaan ka baxsaday ciidanka Bilayska oo sitay shandad ay ka buuxeen sida la rumaysan yahay waxyaabaha qarxaa. Ciidamada bilayska ee magaalada Burco ayaa l sheegay inay raadinayaan Ninkaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *