Hargeysa(ANN)Wasiiradda Warfaafinta, Maaliyada, Boosha iyo Isgaadhsiinta, Diinta iyo waqaafta,  Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Gudaha iyo Duulista Hawada ayaa maanta ku qabtay Xarunta wasaaradda Warfaafinta shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan dhacdooyinkii ugu waaweynaa

 ee mudadii ay xilka hayeen la kulmeen ama ay qabteen,  isla markaana ku soo bandhigay qorshahooda ku jihaysan  boqolka maalmood ee u horeeya mudada xilkooda

Shirka jaraa’id ee ay wasiiraddu qabteen ayaa  ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee ay qabtaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas  oo  ahaa mid ay ugu talagaleen inay bulshada u iftiimiyaan warar ay warbaahintu ka qoraysay maalmihii u danbeeyay.
Kooxda wasiiradda ah  ayaa  si balaadhan uga hadlay  arimo badan oo mudooyinkii u danbeeyay saxaafada qaarkeed hadal hayeen, isla markaana weriyayaashu  Arrimaha ay  ka hadleen wax ka weydiiyeen, waxayna inta badan kaga hadleen kulankoodaa xidhiidhka Ethopia iyo Somaliland,   Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, xiisadda ka taagan deegaanka Galgala, ammaah lagu lahaa maamulkii hore iyo arrimo badan oo khuseeya Ammaanka.

 

sidoo kale waxay  ka hadleen,  ama waxa laga weydiiyay bixinta Maxjarka labaad, Cable ka Isgaadhsiinta ee Badda hoos mara, arrimaha Nabadgelyada, arimaha Diinta, Maaliyadda, Nidaamka Maamul ee xukuumada, madaaradda iyo furitaanka Ururada Siyaasadeed, waxaanay daaha ka feydeen arrimahaa mid  walba aragtidii ay ka qabeen sida ay u socdaan iyagoo su’aalihii laga weydiiyayna dhamaantoodba uga jawaabay si toos ah.

Shirkan jaraa’id ee ay wasiiradu qabteen ayay ku sheegeen xukuumad ahaan inay go’aansadeen in ay Saxaafadda iyo Dadweynahaba sidan oo kale mar walba u hor iman doonaan si wax looga weydiiyo hawl maalmeedkooda iyagoo kolba culayska saari doona wasaaraddaha loogu hadal haynta badan yahay waxqabadkooda
Dr.  Gaboose ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu xumaaday xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo sidoo kale inay ciidamo Itoobiyan ahi gudaha wajaale kala bexeen dad, wuxuuna arrimaha ku tilmaamay kuwo dacaayado ah oo lagu wiiqayo xidhiidhka labada dal. Sidoo kale mar ay weydiiyay  cida ay u tirinayaan,  ama ka danbaysa dilalkii ugu danbeeyay ee Laascaanood ka dhacay maadaama aanay cid u hayn, wakhtigii ay mucaaradka ahaayeena dilka dhaca ay dusha uga tuuri jireen Xukuumaddii Rayaale, waxa uu ku jawaabay ? dilkaasi waxa uu ahaa dil aano ah, balse kuwii hore idinka ayaa layn jiray.  isagoo u jeeda xukuumadii Rayaale.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlaya gudidii loo saaray deynta waxa uu sheegay inay gudidii soo baadhay arintaasu xaqiijisay inaanay deyn ahayn ee ay ahayd lacag loo bixiyay magaca deynta. Sidaa awgeed ay sheekada lacagtaa deynta ahi halkaa ku hadhay. Waxa kaloo wasiirka Maaliyadu sheegay inay mudadii yarayd ee ay xukuumada cusbi xilka haysay shaqaalaha dawlada siisay mushahar afar bilood ah oo ka maqnaa. Eng. Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay mushaharka madaxweynaha iyo ku xigeenka oo uu sheegay inuu ka badan yahay ka madaxweynaha maraykanka sidaa awgeed loo gudbin doono golaha wakiilada, si loogu qorsheeyo mushahar cayiman oo macquul ah.
 

sidoo kale Maxamed Xaashi Wasiirka Duulista hawada ayaa si weyn u difaacay sheekooyinka lagu canbaaraynayay ee talaabadii uu dabdamiska kaga soo wareejiyay dhinaca magaalada Burco, isagoo yidhi, “Dabdamiska dawlada hoose ma lahayn ee waxa lahaa madaarka iyo wasaaradda duulista aniga ayaana xaq u leh inaan madaarka kale u wareejiyo oo madaar xidhan ayuu ahaa, markaa Burco horay u dabdamis la’ayd ee maaha inay maanta weyday hore ayaa qorshe loogu samayn lahaa buulasha maanta gubanaya.”
Wasiirka duulista hawadu waxa uu sheegay in boqolka maalmood ee u horeeya ay qorshaha ugu jirto in laga shaqaysiiyo madaarka magaalada Burco oo isagoo xidhan ay ka dhaxleen xukuumadii hore, maadaama ay tahay caasimadii labaad ee dalka.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay inuu ku rajawayn yahay in uu gaadho halka uu gaadhay madaxwayne Axmed Maxamed (Siilaanyo). Wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay damaciisa siyaasadeed yidhi,
 “Yurub caruurtu marka ay yaryartahay waxa la yidhaahdaa, maxaad doonaysaa inaad noqoto Mustaqbalka?, Qaarba waxay bay ku jawaabaan, midbaa yidhaahdaa, anigu waxaan jeclaan lahaa inaan dhakhtar noqdo, anigu waxaan jeclaan laha inaan askari noqdo, mid kala waxa uu yidhaahdaa anigu waxaan jeclaan lahaa inaan madaxwayne noqdo sida Obama oo kale ah, aniguna mabda’ayga idinka qarin maayee, halkuu Siilaanyo gaadhay ayaan  doonayaa inaan gaadho.”
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu sidoo kale ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku heshiiyeen isaga iyo madaxwayne Siilaanyo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen, ee ahaa in loo sharciyeeyo Urur siyaasadeedkii Qaran, haddii uu talada dalka ku guulaysto Xisbiga Kulmiye. Waxaanu tilmaamay inuu mawqifkiisu sidii yahay, isla markaana ay ka go’antahay isaga iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilanyo, isagoo   yidhi” Anigu in ururo siyaasadeed la furo waa mabda’a aan aaminsanahay waa mabda’a uu Madaxweynuhu aaminsan yahay intooduba waxay ku soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed oo ay ku ololeeyeen oo ay lahaayeen codkiina na siiya haddii aanu soo baxno ururada waanu furaynaa.
Ururada siyaasadeed oo la furaa waxa ay la imanaysaa guulaha ugu waaweyn ee dalkeena horumarkiisa siyaasadeed, waxay siinaysaa fursada boqolaal masuul noqon kara oo karti, dadnimo iyo qiyam siyaasadeed leh oo jid ay u maraan inay dalkooda hogaan ka noqdaan la’aa. In albaabada loo furo oo ay is-tijaabiyaan oo uu halyey fiicanina ka dhex dhalan karo, arintaasi waxa ay xoojinaysaa dimuqraadiyada dalkeena ee curdinka ah waayo xisbi waliba marka uu si ogaado inta ku waddada jirtaana tahay in is-ogol, waayo kaan ogolaynina uu urur ka furan karto. Xisbi walba waxa uu ku dadaalayaa in uu dhiso, gudihiisa, barnaamijkiisa iyo wadajirkiisa, tartankana meel fiican ka galo. Xisbi furashaduna may ahayn hebel iyo hebel xisibi loo furayo ee waxay ahayd xuquuq ummadda somaliland oo dhan mugdi kaga jirtay oo xisbiga Kulmiye uu balan qaaday ayuu yidhi Dr. Gaboose
Shirka jaraa’id oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay xukuumada Siilaanyo wasiiro ka mid ahi ku soo hor fadhiistaan Saxaafadda ayaa ahaa mid si fiican loo soo qorsheeyay,  isla markaana wasiirka warfaafinta oo gadh-wadeen ka ahaa kulankaa  inay kusoo bandhigaan talaabo cusub oo horumar leh taasoo ah isku xidh wanaagsan oo ay wada yeeshaan Bahda Saxaafadda, Wasiiradda iyo Dadweynuhuba, iyadoo meesha ka saartay baqdintii dhinac walbaaba ka qabay masuuliyada uu Qaranka u hayo iyo wararkii ay saxaafada qaarkood qorayeen mudooyinkii u danbeeyay.

Xubnaha wasiirada ee kulankaa maanta qabtay waxay ahaayeen magacyadoodu sidan
Wasiirka Arimaha Gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geell-jire)
. Wasiirka Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Khaliil Cabdilaahi
Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Ilaalinta Deegaanka Axmed Xaashi Odey
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Cabdirisaaq

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *