Muqdisho(ANN) Madaxweynaha  dawladda taagta daran ee  Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, ayaa  markii u horaysay ka hadlay ciidamada dawladda Kenya ee todobaadkii hore soo galay gudaha dalka Somalia . kadib markii ay kasoo talaabeen xadka ay wadaagaan labada dal.Sh. Shariif waxa uu

ku tilmaamay talaabada dawladda Kenya in aanay  dowladda iyo shacabka Soomaaliya raalli ka ahayn soo gelitaanka ciidammada Kenya ee gudaha Somalia, wuxuuna hadalkaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlay  Degmada Dayniile, oo todobaadkii hore  ay dagaallo culusi ka dheceen. Sh Shariif  ayaa sheegay in ciidammada AMISOM ay iyagu ku joogaan rabitaanka dowladda Soomaaliya iyo sharciyad ay ka heleen Qaramada Midoobay, balse aanay Kenya ka haysan ogolaansho dhinacooda ah iyo mid Qaramada midoobay  iyo midawga afrika toona. Sidaa awgeed ay qayral sharci tahay inay soo galaan Kenya Somalia, isagoo xusay inay jiraan waxyaabo ay dhibsanayaan oo ay kala hadleen dawladda Kenya. Laakiin ay diyaar u yihiin sidii ay Kenya iskaga  kaashan lahaayeen  xagga ammaanka, isagoo  uga mahad celiyay inay Sommaaliya u taba bartay ciidan, balse ay ciidamada dawladda Somalia ee uu madaxda ka yahay ku filan yihiin hashaa.

Diyaarado ay leedahay Kenya oo kuwa milateriga ah ayaa shalay duqeeyay duleedka dekedda magaalada xeebta ah ee Kismaayo, kadib markii  Dawladda Kenya ay dhowaan sheegtay inay dawladda taagta daran ee Somalia ka wada hadleen sidii ay hawlagl ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia ugu weerari lahaayeen fadhiisimadooda gudaha Somalia.  waxaana todobaadkii hore magaalada Muqdisho yimi wefdi ka socda dalka Kenya, kuwaas oo kulan la yeeshay Masuuliyiinta dawladda taagta daran ee Shariif. Wasiirrada arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga ee dowladda Kenya oo kulamo kula yeeshay  Villa Somalia masuuliyiinta dowladda taagta daran ee Soomaaliya ayaa  kullamadaa  kaddib saxaafadda u sheegay  inay  labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen mid  halis ku ah  amnigaSomalia iyo waliba dalka  Kenya.
Wasiirka Arrimaha Debadda ee Kenya, Moses Watangula, ayaa hore u xaqiijiyay in ciidammada dalka Kenya ay galeen gudaha dhulka Soomaaliya, wuxuuna ku macneeyay talaabadaa mid ay ku difaacayaan dalkooda oo ay kula dagaallamayaan sida uu sheegay  Al –Shabaab oo khatar ku ah.

Dhawaaqa Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia ayaa soo bxay  todobaad ka dib markii  ay dawladda Kenya ciidamadeedu ku jireen Somalia, iyagoo ku doodayay inay ku yimaadeen codsiga dawladda, isla markaana   ay kula dagaalamayeen xarakada Al-shabaab deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia oo ka mid ah meelaha ay Al-shabaab ka taliso.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa talaabada dawladda Kenya kusoo gashay Somalia ku tilmaantay mid daandaansi ah oo ay jawaab ka bixinayaan, taas oo la rumaysan yahay inay horseeday weerar qarax xalay laga fuliyay dalka Kenya oo lala begsaday goob lagu caweeyo oo ku taala xarunta dalkaa ee Nairobi, iyadoo  qaraxaasi sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxa booliska magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Orig Mugambi ayaa sheegay inay heleen cadaymo hor dhac  ah oo sheegaya inay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab.bamgacmeedkii xalay ka dhacay magaaladaa.  Sarkaal kale oo u hadlay booliska dalka Kenya ayaa waxa uu  sheegay  inay la xidhiidhiyeen  qaraxaa  Xarakada Al -Shabaab oo uu sheegay inay uga imaanayaan hanjabaado iyo cagajuglayn,  isagoo  ka codsaday shacabka dalka Kenya inay la shaqeeyaan gacana siiyaan  booliska si ay uga hortagaan  amaan darada  iyo hanjabaadaha kaga  imanaya Al- Shabaab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *