Hargeysa(ANN)Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa fadhi ay saaka subaxnimadii hore yeesheen Hoolka xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa, kaas oo lagu doortay Maayar iyo Maayar xigeen, kulankaa oo saaka loo balansanaa, waxa mudanayaashu u doorteen Maayarka
Caasimada Eng. Yuusuf Warsame Siciid, kaas oo ah xubinta ugu miisaanka culus xubnaha golaha deegaanka, isla markaana ah xubinta xisbiga xukuumadda ee Kulmiye hore ugu iclaamiyay inuu noqon doono Maayarka Caasimadda Hargeysa xiliggii Ololaha kaanbaynka doorashada.
sidoo kale waxa Maayar xigeen loo doortay C/casiis Maxamed Xaashi oo ah Nin dhalinayaro ah, kaas oo ka mid ah dhalinyarada ugu fir-fircoon ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Nov 2012.
Kulanka waxa kasoo xaadiray 15 xildhibaan oo ka mid ah 25 xubnood ee golaha deegaanka Hargeysa ka kooban yahay, balse 10 xubnood oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Hargeysa ayaan iyagu ka qaybgelin kulankaa.
Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Axmed C/llaahi Xamarji oo shirkaasi gudoominayay ayaa sheegay in doorashadani sharci tahay kooramkuna buuxay.
wixii warar ee kasoo kordha kala soco shebekada araweelonews.c